Sawirro: R/Wasaaraha Ciraaq Oo Ku Dhawaaqay in Ciidankiisu Ay Qabsadeen Magaalada Muusil.

Monday July 10, 2017 - 21:26:05
Super Admin
Xukuumadda Shiicada Ciraaq Ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in uu soo gaba gaboobay dagaalkii waqti dheer ee qaatay ee ka socday magaalada Muusil oo ah caasimadda 2-aad ee wadanka Ciraaq.


R/wasaaraha xukuumadda Ciraaq Xeydar Alcabaadi oo khudbad Ka Jeediyay Telefeshinka Afka Xukuumadda ku hadlay ayaa ku dhawaaqay ‘Guul weyn’ oo ay ka gaareen dagaalkii Muusil.

Hoggaamiyahan Shiiciga Xagjirka ah ayaa isagoo hadlayay yiri "waxaan halkan caalamka oo idil uga sheegaynaa in ay fashilantay oo ay dhammaantay Dowladdii Khuraafada Argagaxisada ee sedax sanadood ka hor looga dhawaaqay magaalada Muusil”.


Dabaal degyo ay dhigayaan kumanaan katirsan maleeshiyaadka Shiicada ayaa ka bilaawday xaafadaha burbursan ee magaalada Muusil waxayna sheeganayaan in ay ka adkaadeen xoogaga dowladda Islaamiga ah oo muddo 9 bilood ah si geesinimo leh uga dagaallamayay magaalada.

R/wasaaraha Xukuumadda Ciraaq ayaa qiray in dhankooda ay ku adkaan doonto sugidda ammaanka magaalada sababa la xiriiro unugyo katirsan xoogaga IS oo geysan doona qaraxyo iyo weeraro ka dhan ah xarumaha xukuumadda.

Al-Cabaadi mar uu hadlayay wuxuu boggaadiyay Maleeshiyaadka Shiicada ee gummaadka daran ugeystay muslimiinta sunniga ah wuxuuna si gaar ah ammaan ugu jeediyay wadaadada shiicada ah ee soo saaray fataawaadkii xasuuqa u horseeday Muslimiinta sunniga ah.

Dhinaca kale isbaheysiga Caalamiga ah ee dagaalka kula jira xoogaga IS ayaa iclaamiyay in ay ku guuleysteen dagaalkii Muusil oo qaatay muddo 9 bilood xiriir ah sida uu sheegay Afhayeenka isbaheysiga oo war kasoo saaray taliska ciidanka Mareykanka ee wadanka Kuwait.

Wariyaal ku sugan wadanka Ciraaq ayaa soo sheegay in 90% magaalada Muusil ay ku burburtay duqeymo bahalnimo ah oo ay geysteen diyaaradaha dagaalka isbaheysiga caalamiga ah, inta badan dhismayaashii caanka ahaa ee magaalada ayaa isku bedelay lama degaan halka duqeymo xagga cirka ah lagu burburiyay shanta buundo ee magaladaasi ka dhisnaa.

Sanaddii 20014 ayuu Sheekh Abuu Bakar Baghdaadi Masjidka Al-Nuuri ee Magaalada Muusil uga dhawaaqay Khilaafa Islaami ah wixii xilligaasi ka dambeeyay ayay Dowladda islaamiga ah wajahday duullaan caalami ah halka dhanka kalane ay dagaallo ku iclaamisay jamaacaad islaami ah taasi oo kala qeyb sanaan daran u horseedday jihaadka caalamiga ah ee lagula jiro America iyo xulufadeeda.

Magaaladan waxay marti gelisay gabood falladii ugu xumaa ee lagula kacyo dadka muslimiinta sunniga ah, kumanaan qoys ayaa lagu laayay duqeymo diyaaradeed halka dad barakacayaal ah ay toogasho ku dileen maleeshiyaadka shiicada ee xashdiga loo yaqaan.

Hoos Ka Daawo sawirrada Burburka gaaray Muusil iyo diifta ay wajahayaan dadka shacabka ah.







Related Items

Update cookies preferences