Waa Imisa Tirada Dadkii Rayidka ahaa ee ku dhintay Dagaalladii Muusil?. [Video]

Thursday July 27, 2017 - 10:13:10
Super Admin
Kadib 270 maalmood oo ay kasoo wareegatay markii uu billowday dagaalkii xoogganaa ee lagu qaaday magaalada Muusil ee Waqooyiga dalka Ciraaq, waxay dood ka taagan tahay inta la eg tahay tirada dadka rayidka ah ee dagaalkaasi ku dhintay.


Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee dalka Ciraaq Hooshyaar Zibaari ayaa sheegay in inkabadan 40 kun oo qofood oo rayid ah in lagu dilay dagaalkaasi, wuxuuna tilmaamay in badi dadkaas ay ku dhinteen hubkii ay ridayeen Ciidamada Maamulka Shiicada ah ee dalka Ciraaq iyo duqeymaha ay geysanayeen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka.

Wuxuu sheegay in awoodda xad dhaafka ah ee ay adeegsanayeen Ciidamada Dowladda Shiicada – gaar ahaan Madaafiicda culus- inay tahay sababta ugu weyn ee keentay bur burka xoogga leh ee soo gaaray magaalada iyo dhimashada tiro aad u badan oo rayid ah.

Warbixin ay soo saareen Hey’ado taabcsan Maamulka Kurdiyiinta ee Waqooyiga dalka Ciraaq ayaa waxay ku sheegeen in Meydadka tiro aad u badan oo rayid ah inay weli ku hoos jiraan bur burka dhismayaasha iyo guryaha ay dhulka la simeen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka.

Xukuumadda Shiicada ayaa beenisay wararka sheegaya in Afartan kun oo Shacab ah inay ku dhinteen dagaallada Muusil, waxaana war ay soo saartay Xukuumadda ay ku sheegtay in illaa iyo hadda lasoo helay oo kaliya meydadka 1429 qofood.

Haweenay Afhayeen ah oo u hadashay Hey’adda Bisha Cas waxay sheegtay inay adag tahay in la helo tiro koob rasmi ah oo ku saabsan tirada dadkii Shacabka ahaa ee ku dhintay dagaalka Muusil, balse waxay carrabka ku dhufatay in howl-wadeennada hey’adda ee ku sugnaa jiidaha hore ee dagaalka ay maalin diiwaan gelinayaan inta u dhaxeysa 70-90 qofood, kuwaas oo Meydadkooda la dhigayay Xarumaha Cafimaadka.

Saara Al-Zowqari waxay xaqiijisay inay jiraan meydadka dad weli ku hoos jira bur burka dhimayaasha hoostooda, gaar ahaan qeybta Qadiimka ah ee magaalada Muusil, iyadoona tilmaantay inaan weli tirakoob sax ah laga heyn dadkii ku dhintay Xaafadahaasi.

Hoos Ka Daawo Muuqaal muujinaya sida Diyaaradaha Mareykanku ay dhulka ula simeen Magaalada Muusil


Related Items

Update cookies preferences