Abiy Axmed oo markale ku goodiyay in ay iska difaacayaan Jabhadda TPLF eed culusna jeediyay.

Wednesday July 14, 2021 - 17:15:03
Liibaan Jeexoow
Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ka qeylla dhaamisay horumarka ballaaran ee maleeshiyaadka jabhadda Tigreega ay ka geysanayaan waqooyiga wadanka.


Abiy Axmed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ay si adag isaga difaacayaan wax uu ugu yeeray nabad diid doonaya in ay kala dhantaalaan midnimada Itoobiya.

Madaxa xukuumadda Addis Ababa ayaa ku eedeeyay hoggaanka jabhadda TPLF in ay abuuraan jawi colaadeed oo saameyn ku yeelan kara jiritaanka dowladda Itoobiya sida uu hadalka udhigay.

Bayaanka Abiy oo ku qornaa luqadda Amxaariga ayuu farriimo ugu diray shacabka Itoobiya, melleteriga iyo Beesha caalamka "Bisaddu tuugsi ma dayso halka jabhadda TPLF aysan doonayn nabad iyo xasilooni" ayuu yiri RW Itoobiya.

Wuxuu intaas ku daray in Jabhadda qowmiyadda Tigreega ay ciidamaynayaan carruurta iyagoo adeegsanaya daroogo sida uu hadalka udhigay.

Abiy Axmed ayaa shacabka Itoobiyaanka ah ugu baaqay in ay ka dhiidhiyaan faragelinta dibadda ka imaanaysan oo uu ku sifeeyay mid ka halis badan colaadda ka imaanaysa TPLF.

Qeylla dhaantan kasoo yeertay R/wasaaraha Itoobiya ayaa kusoo aadaysa xilli dagaalyahannada qowmiyadda Tigreega ay lawareegeen dhammaan magaalooyinkii laga qabsaday 8 bilood ka hor ayna hadda kaabiga ku hayaan deegaanada ay degto qowmiyadda Amxaarada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items

Update cookies preferences