Dowladda Imaaraatka oo Safaarad ka furatay caasimadda maamulka Yahuudda.

Thursday July 15, 2021 - 11:59:45
Liibaan Jeexoow
Markii ugu horraysay dowladda dabadhilifka Imaaraatka Carabta ayaa safaarad ka furatay dhulka Yahuuddu maamusho ee Falasdiin iyadoona ku dhawaaqday in ay bilaawday caadiyaynta cilaaqaadka kala dhaxeeya waxa loogu yeero 'Isra'el'.


Munaasabad ka dhacday magaalada Talaabiib uuna kasoo qeyb galay madaxweynaha Yahuudda ayaa xarigga looga jaray dhismaha safaaradda Imaaraatka Carabta ee Israa'iil.

Max'med Alkhaaj oo ah safiirka cusub ee UAE uqaabilsan Yahuudda ayaa kalimad uu jeediyay ku sheegay in tani ay tahay markii ugu horraysay oo dalkiisu uu matalaad rasmi ah ku yeeshay Israa'iil.

Calanka dowladda Imaaraatka Carabta iyo midka Yahuudda ayaa layska hareer suray, tani waxay ka dhigantahay aqoonsi rasmi ah oo Imaaraatku uu siiyay Kiyaanka Yahuudka isagoona wax aan jirin kasoo qaaday qadiyadda Falasdiin.

Related Items

Update cookies preferences