Madaxweynaha Tuunis oo ku dhawaaqay in uu lawareegay hay'adaha Fulinta dowladda.

Monday July 26, 2021 - 11:28:43
Liibaan Jeexoow
Go'aan mar la arag ayuu qaatay madaxweynaha dalka Tuunis kadib markii uu iclaamiyay in uu talada fulinta wadanka lawareegay.


Qeys Saciid ayaa magaalada Tuunis uga dhawaaqay in uu kala diray golayaashii fulinta dowladda ee kala ah baarlamaanka iyo xukuumadda.

Bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay in uu kala diray golaha baaralamaanka islamarkaana uu shaqada ka eryay R/wasaarihii xukuumadda iyo golihii wasiirrada.

Sidoo kale madaxweynaha Tuunis ayaa isku magacaabay in uu yahay madaxa xeer ilaalinta iyo maxkamadda sare arrinkaas oo ay kooxaha mucaaradku ku tilmaameen Inqilaab aan dhiig ku daadan.

isagoo kulan laqaadanayay guddiga amniga qaranka oo ay ku midaysanyihiin saraakiisha Booliska,Sirdoonka iyo melleteriga ayuu ku sheegay in ay beegsan doonaan wax uu ugu yeeray madaxyaweynta musuq maasuqa.

Xarakada Al Nahda oo ah ururka siyaasadeed ee ugu weyn dalka ayaa taageerayaasheeda ugu baaqday in ay isugusoo baxaan fagaarayaasha magaalooyinka ayna ka dhiidhiyaan Inqilaanka cusub.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in xabsi guri lagusoo rogay Hishaam Al Mashiishi oo ahaa R/wasaarihii xukuumaddiisa la majaxaabiyay.

Dalka Tuunis ee dhaca waqooyiga Afrika ayaa bilihii lasoo dhaafay wajahayay fatqaladooyin siyaasadeed oo ka dhashay khilaafka dhanka soo dhisidda xukuumadda iyo doorashooyinkii baarlamaaniga.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences