Dad American ah oo lagu qafaashay dalka Heyti.

Monday October 18, 2021 - 04:50:33
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya wadanka Heyti ee qaaradda laatiin america ayaa sheegay in halkaas lagu qafaashay dad american ah xilli uu faraha kasii baxayo khalalaasaha siyaasadeed ee wadankaasi ka jira.


Ugu yaraan 17 ruux oo nasaaro american ah ayaa lagu qafaashay magaalada Port-au-Prince ee caasimadda u ah heyti sida uu xaqiijiyay afhayeenka ciidamada booliska wadankaasi.

dadka laqafaashay waxay ushaqeynayeen hay'adaha ka shaqeysa faafinta kirishtaanka oo fadhigeedu yahay gobolka ohaio ee dalka mareykanka, macluumaadyo hordhaca ah waxay sheegayaan in dadka laqafaashay xilli ay kusii jeedeen madaarka caalamiga ee magaalada.

Afhayeen uhadlay wasaaradda arrimaha dibadad mareykanka ayaa sheegay in ay ogyihiin warbixinnada sheegaya qafaalka muwaadiniinta balse faah faahin intaas kabadan ma bixin.

Warbaahinta mareykanka waxay sheegaysaa in kooxo burcad ah ay gcanta ku dhigeen 17 ruux american ah oo 14 kamid ah ay qaangaar ahaayeen halka 3 kale ay yihiin carruur, dadka la afduubtay ayaa ka shaqeynayay faafinta nasaarada.

wargeyska washingtonpost ayaa soo daabacay warbixin uu ku sheegayo in xubin kamid ah jamciyadda kiristaameynta ee fadhigeedu yahay ohaio uu soo duubay cod kuna xaqiijinayo in laqafaashay shaqaalahoodii hayti.

New York Times ayaa isna sheegay in dadka laqafaashay lagala degay gaari bas ah xilli ay kusii jeedeen madaarka caalamiga ah ee caasimadda dalka Heyti.

illaa iyo hadda lama sheegin magaca kooxda qafaalka geysatay iyo waxa ay doonayso, sare ukaca qalalaasaha ka jira heyti ayaa sababay barakaca kumanaan ruux iyadoona carqalad weyn lagaarsiiyay kobacii dhaqaale ee wadankan oo ah midka ugu faqrisan labada americo.

bishii july ee lasoo dhaafay markii iqtiyaal lagu dilay madaxweynihii wadanka waxaa dalka gilgilay rabshado sababay dhimashada inkabadan 2 kun oo ruux.

Related Items

Update cookies preferences