Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan oo booqasho ku tagay dalka Afghanistan.

Thursday October 21, 2021 - 13:47:40
Liibaan Jeexoow
Dowladda Pakistan ayaa isku diyaarinaysa in ay si rasmi ah u aqoonsanto xukuumadda Islaamiga ah ee ka hana qaadday wadanka Afghanistan.


ilo wareedyo ayaa sheegaya in Pakistan ay waddo dadaallo ictiraaf loogu raadinayo nidaanka ka hana qaaday magaalada Kaabuul kaasi oo si buuxda gacanta ugu haya dalka Afghanistan.

Mulla Max'med Xasan oo ah R/wasaaraha Imaarada Islaamiga ah ayaa qasriga madaxtooyada magaalada Kaabuul ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Pakistan.

Shaam Max'muud Qureyshi oo ah wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Islam'abad ayaa kulamo la qaatay mas'uuliyiinta ugu sarraysa xukuumadda Islaamiga ah.

Socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Pakistan ee Kaabuul waxaa kasii horreeyay booqasho uu Afghanistan ku tagay taliyaha sirdoonka wadankaasi, dowladaha kala ah Sacuudiga ,Imaaraadka Carabta iyo Pakistan ayaa ahaa kuwa kaliya ee aqoonsan dowladdii Taliban ee lariday sanaddii 2001.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences