Mareykanka oo duqeyn ku dilay hoggaamiye Jihaadi ah xilli uu ku sugnaa Suuriya.

Saturday October 23, 2021 - 13:40:15
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya waqooyiga dalka Suuriya ayaa sheegaya in duqeyn xagga cirka ah lagu dilay sarkaal katirsanaa xoogaga jihaadiga ah ee halkaas ku sugan.


War kasoo baxay taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka ayaa lagu sheegay in diyaarad Drone ah lagu beegsaday sarkaal katirsanaa Ururka Alqaacidda xilli uu ku sugnaa gobolka Idlib.

Melleteriga dowladda  Mareykanka ayaa ku dooday in ay beegsadeen nin lagu magacaabi jiray Cabdul Xamiid Almadar oo ay ku sheegeen in uu ahaa hoggaamiye Alqaacidda ah oo qorshaynayay weeraro ka dhan ah dadka american-ka ah.

Wariyaal ku sugan gobolka Idlib ayaa xaqiijiyay in diyaarad aan duuliye laheyn ay beegsatay hal qof balse faah faahin dheeraad ah kam abixin, bilihii lasoo dhaafay ayuu Mareykanku duqeymo aan loo meel dayin ka fulinayay waqooyiga suuriya isagoo beegsanaya shacab rayid ah iyo saraakiisha hoggaaminaya jihaadka shaam.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences