Al Shabaab oo weeraro askar shisheeye lagu dilay ka fulisay gobollada Lamu iyo Baay.

Monday June 24, 2024 - 19:18:19
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo lagu qaaday saldhig ay ciidamada Xabashida Itoobiya uga suganyihiin deegaan katirsan gobolka Baay.
Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar qorshaysan ku qaaday saldhigga ciidamada ciidanka Itoobiya ee degmada Diinsoor gobolka Baay.

Ugu yaraan 3 askari Itoobiyaan ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarka ka dhacay saldhigga ciidanka Xabashida ee degmada Diinsoor.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Lamu ee dalka Kenya ayaa sheegaya in askar Kenyaan ah ay ku dhinteen weerar cusub oo dagaalyahannada Al Shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Ishaa-kaani.

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in weerarka ay ku dhinteen 2 askari Kenyaan ah halka tira kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Jihaadiyiinta Al Shabaab ayaa sare uqaaday weerarada ay ku beegsanayaan ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga gudaha dalka Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences