Q.Midoobay oo ka hadashay duqeymaha dib ugasoo cusboonaaday caasimadda Tigray.

Saturday October 23, 2021 - 13:53:32
Liibaan Jeexoow
Ciidanka cirka Itoobiya ayaa markale duqeymo culus ku beegsaday magaalada ugu weyn waqooyiga wadankaas oo ay gacanta ku hayaan kooxaha mucaaradka ah.
 

kooxda Tigreega ayaa ku eedaysay dowlada Itoobiya in ay xasuuq aan kala sooc laheyn ay ka geysanayso magaalada maqalla ee caasimadda u ah ismaamulka Tigray.

Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in duqeyno aan kala joogsi laheyn ay ku socdaan maqalla iyo hareeraheeda, saraakiisha TPLF waxay sheegeen in duqeymuhu ay beegsanayaan bartilmaameedyo rayid ah sida warshado, suuqyo iyo isku imaatino shacbi ah.

agaasimaha isbitaalka ugu weyn magaalada maqalla ayaa warbaahinta usheegay in ay qaabileen tobanaan ruux oo kusoo dhaawacmay duqeymaha isagoo walaac ka muujiyay in ay gabaabsi sii noqdaan dawooyinka aas-aasiga ah.

Falaagada Tigreega ayaa la sheegay in ay cadaadis daran ku hayaan ciidamada Abiy Axmed ee difaacanaya magaalada disis ee gobolka wallo, ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaallo dhacay gelinkii dambe ee maalintii khamiista looga itaal roonaaday ciidamada melleteriga Federaaliga ah.

Madaxweynaha ismaamulka Amhara ayaa ugu baaqay shacabka amxaarada in ay difaacdaan magaalooyinka ay ku dhowyihiin maleeshiyaadka TPLF, dhinaca kale ugu yaraan 7 qof shacab ah ayaa ku dhintay weerar ay kooxda Tigreegu ka geysteen magaalada Ewa ee ismaamulka Cafarta.

Hay'adaha sheegta gargaarka ee taabacsan Q.Midoobay ayaa walaac ka muujinaya in dagaallada dib ugasoo cusboonaaday waqooyiga iyo galbeedka Itoobiya ay carqaladeeyaan mucaawinadii laqorshaynayay in lagaarsiiyo dadka rayidka ah.


Related Items

Update cookies preferences