Ergayga cusub ee Q.Midoobay ay uxil saartay maamulidda ATMIS maamullada dabadhilifyada Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray.

Sunday May 26, 2024 - 17:33:06
Liibaan Jeexoow
Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa maanta kaso degay Ergayga waxa loogu yeero Q.Midoobay uqaabilsan Soomaaliya.
Swan Swan oo ah diblumaasi udhashay dalka Mareykanka ayaa gaaray xerada Xalane laba isbuuc kadib markii xilkaan loosoo magacaabay.

Ninkan ayaa mas'uul ka noqonaya dhammaan ciidamada shisheeyaha afrikaanta ee duullaanka ku jooga Soomaaliya, sidoo kale wuxuu awaamir toos ah siin doonaa hoggaanka dowladda Federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada dabadhilifyada ah.

Imaanshiyaha Swan Swan ayaa ka dhigan in Q.Midoobay ay Soomaaliya kusii hayn doonto qodobka 7aad ee UN-ka kaas oo dhigaya in hanaan gummeysi lagu maamulo nidaamyada dabadhilifka ah ee Soomaaliya ka jira.

Sagaalkii bishan May ayuu Xasan Gurguurte ka codsaday 'Golaha Ammaanka' in lakala diro oo la baabi'iyo xafiiska Q.Midoobay ee Soomaaliya balse jawaabta ayaa noqotay in Ergay cusub lasoo magacaabo kaasi oo sii daadihin doono dabadhilifyada Soomaalida..

Related Items

Update cookies preferences