Turkiga oo dalkiisa ka eryaya safiirrada 10 dowladood reergalbeed ah.

Sunday October 24, 2021 - 08:17:39
Liibaan Jeexoow
Dowladda Turkiga ayaa qorshaynaysa in ay dalkeeda ka cayriso safiirrada dowladaha ugu waaweyn reergalbeedka arrinkaas oo saameyn ku yeelan kara xiriira udhaxeeya NATO iyo Turkiga.


Erdogaan oo ah madaxweynaha Turkiga ayaa ku amray wasaaraddiisa arrimaha dibadda in ay cayriyaan safiirrada illaa 10 dowladood oo ay kamid yihiin Mareykanka,Jarmalka iyo Faransiiska.

Xukuumadda Anqara ayaa safiirrada dowladahan ku sheegtay kuwa aan laga jeclayn dalka taas oo ka dhigan in la cayrinayo, dowladda Turkiga ayaa ka carootay baaq kasoo baxay tobankan dowladood kaasi oo ay ku dalbanayaan in lasii daayo Ninka mucaaradka ah ee lagu magacaabo Osman Kavala.

Ninkan uxiran Turkiga ee Osman Kavala ayaa loo haystaa in uu maalgeliyay dibad baxyo rabshado wata oo Turkiga ka dhacay islamarkaana uu ku lug lahaa inqilaabkii fashilmay ee dhacay sanaddii 2016.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences