Al-Shabaab iyo Dagaalka Guriceel…Maqaal. W/Q Dhuunkaal

Monday October 25, 2021 - 14:04:37
Liibaan Jeexoow
Magaalada Guriceel ee Gobolka Galguduud waxaa ka holcaya dagaallo lagu hoobtay kuwaas oo u dhexeeya ciidamada maamulka Galmudug iyo Maleeshiyada Suufiyada.

Ujeedadaydu ma aha inaan ka hadlo faahfaahinta dagaalka ka dhacaya Guriceel. Arinkaas aad baa looga wada dheregsanyahay, mana jiraan xogo badan oo ku qarsoon, balse waxaan jecelahay inaan diiradda saaro arrin iga yaabisay oo qayb muhiim ah ka noqotay dagaalka Guriceel.

Al-Shabaab maxaa ka quseeya dagaalka Guriceel?!

Xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin, waxaa ay maamushaa degmooyin iyo deegaano aad iyo aad uga ballaaran deegaanada ay hadda isku haystaan labadaan kooxood ee Galmudug iyo maleeshiyaadka suufiyada. Laga soo billaabo Masagawaay, Mareeg, Galcad, Ceeldheer, Ceel Buur ilaa laga soo gaaro Xaradheere, Bacaadweyne iyo Camaaro waxaa ka taliya maamulka Al-Shabaab. 

Waxaa intaas sii dheer in ciidamada Al-Shabaab ay saldhigyo ku leeyihiin, maamulaanna deegaano ku yaalla duleedka magaalada Guriceel oo uu hadda dagaalku ka socdo.

Xarakadu labada kooxood - Galmudug iyo Suufiyada - waxay ka aaminsantahay inay cadaw yihiin, waxayna la gashay, welina kula jirtaa dagaallo qaraar, taas oo u suurtagelisay inay dhulkaas baaxada leh ee aan kasoo hadalnay gacanta ku dhigaan.

Waxaa ugu dambeeyay dagaalladii bilihii lasoo dhaafay ka socday Mudug, gaar ahaan Qaycad, Camaaro ilaa duleedka Wisil. Dagaalladaas oo khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay Galmudug, saraakiil farabadan looga dilay, gaadiid 20 ku dhawna looga qabsaday.

Jabkaas soo gaaray Galmudug waxaa fursad u arkay Suufiyada oo dareemay inuu jiro jaanis ay kaga aargoosan karaan Qoor Qoor iyo Farmaajo, ayna dib usoo ceshan karaan maamulka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Waxaa durbadiiba dalka dib ugu soo laabtay Shaakir iyo Farabadan (Macalin Maxamud) waxay iyaga iyo maleeshiyaatka Suufiyada ah iskugu tageen deegaanka Huurshe iyagoo ku sheegaya inay siyaaro qabri halkaas ku yaalla ku qabsanayaan, waxaa ay isla goobta kaga dhawaaqeen dagaal ay sheegeen inay ku qaadi doonaan Al-Shabaab. Waxaa la filayay in maleeshiyadaasi usoo dhaqaaqaan dhanka deegaanada Shabaabku maamulaan ee Galmudug, balse taas badalkeeda waxay usoo ruqaansadeen Dhuusamareeb iyo Gureceel oo uu maamulka Qoor Qoor ku sugnaa.

Baroortu Orgiga Ka weyn.

Maalmo dhawr ah ayay labada dhinac – Galmudug iyo Suufiyadu – hadallo xanaf leh hawada isku marinayeen. Mid walba wuxuu sheegayay inuu Shabaab duullaan ku yahay, balse midkoodna Al-Shabaab sooma aadin ee Guriceel ayaa la isku ballansaday birtana la iskaga aslay.

Maanta oo uu dagaalku galay maalinkiisii sadexaad, marka aad dhagaysato warbaahinta ka hadlaysa dagaalka, ama daalacato bogaga kala taageera labada kooxood ee Galmudug iyo Suufiyada, waxaad arkaysaa in magaca Al-Shabaab lagu soo celcelinayo tiro ka badan inta la sheego magacyada labada col ee deegaanka isku xasuuqaysa. Mid walba waxaa uu sheegayaa inuu Al-Shabaab dagaal kula jiro, cadaw aan Al-Shabaab ahayna uusan lahayn. Waa yaab!!!

Al-Shabaab waa lagu qafiifay.

Ma aha labada dhinac ee ku dagaalamysa Guriceel oo kaliya dadka ku qafiifay Al-Shabaab. Waxaa iyaguna mar walba oo ay dagaalka Guriceel iyo saamayntiisa ka hadlayaan Al-Shabaab kusoo lifaaqa dadka isku sheega siyaasiyiinta, dowladaha shisheeye ee daneeya arimaha Soomaaliya iyo kuwa iskugu yeera inay yihiin falanqeeyayaal ka faallooda siyaasada Soomaaliya. 

Intaas aan soo sheegnay waxay ku baaqayaan in dagaalka la joojiyo. Sababtu ma aha inay u turayaan maleeshiyaatka dagaalamaya ama dadka rayidka ah ee ka qaxay dagaalka ee baadiyaha ku duruufaysan, balse waxay tilmaamayaan in cidda kaliya ee dagaalkan ka faa’iideysa ay tahay Xarakada Al-Shabaab.

Haddii aysan Al-Shabaab jiri lahayn way ku faraxsanaan lahaayeen dagaalka sow maha ama indhaha ka qabsan lahaayeen? Waa Yaab kale!!!

Arinta ah in mar walba oo dhinacyada kawada tirsan dabadhilifyada Soomaalida ay dagaalamaan lagu cabsiiyo Al-Shabaab, waxaa ay noqotay caado ay leeyihiin kuwa ka walaacsan dhibaatada ay mooriyaanta saaxiibadooda ah isku hayaan. Si kale oo lagu kala celiyo hadii lawaayay dantu waxay ku qasabtay inay Al-Shabaab ku cabsiiyaan, una sheegaan in colaadda dhexdooda ah ay joojiyaan si aan Shabaabku uga faa’iidaysan.

Ma aha in ay dhiigooda kala badbaadiyaan, Ma aha inay nabadgelyada sugayaan, ma ahan inay bulshada rayidka ah ee ay ku dul dagaalamayaan u turaan, ma aha inay dhaqankaan mooriyaanimada ah joojiyaan. Waa kaliya in aanan Al-Shabaab ka faa’iideysanin dagaalkooda. Waa la Yaabay!!!

Maxaa xal ah?

Dagaalka ka socda Guriceel waxaa uu galaaftay nolosha dad aad u fara badan. Waxaa ku dhintay saraakiil aad muhiim ugu ahayd labada dhinac ee halkaas ku dagaalamaysa. Magaalada dhamaan dadkii deganaa waa ay ka barakeceen, qaybo kamid ah xaafadaheedana madaafiicdii la is waydaarsanayay ayaa dumisay. Welina xaaladu waa fari kama qodna faanoole.

Waxaa la gudboon dadka kawaramaya dagaalka Guriceel, kuwa ka xun dagaalka iyo kuwa ku faraxsan, saxaafada iyo siyaasiyiinta, intaba waxaa la gudboon in dagaalka aysan xuduudihiisa dhaafin, dadka dagaalamaya u sheegaan dunida iyadoo aanan Shabaab waxba lagu meereeysanin. Hadii kale waxay sheekadu u muuqanaysaa in waxa meesha ku dagaalamaya aysan ahayd dad garaad iyo caqli leh balse yihiin xoolo aanan lagu kala celin Karin in libaax (Shabaab) kambalka ku dhakan loo tilmaamo ma ahane.

Waxaa la gudboon dhinacyada dagaalamaya inay dagaalka joojiyaan, inay dhabaha dabadhilifnimada ah kasoo laabtaan oo ay ummadooda dib ula midoobaan, shisheeyaha iyo cadawga ay la safan yihiin ee hubka iskugu dhiibaya kasoo noqdaan. Hadii ay taas diidaan, waxaa la gudboon inay ugu yaraan meelo cidla ah isla tagaan oo aysan ku dul dagaalamin marasta.

WQ: Maxamuud Cabdi Dhuunkaal

Muqdisho - Soomaaliya


Related Items

Update cookies preferences