Vladimir Putin oo beddelay wasiirkiisii difaaca ee mas'uulka ka ahaa dagaalka Yukreyn..

Tuesday May 14, 2024 - 14:14:04
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo dhawaan isku shaandhayn ku sameeyay xukuumaddiisa ayaa beddelay Wasiirkii Difaaca Sergei Shoigu oo ay saaxiib dhow ahaayeen.
Shoigu oo ahaa wasiirkii ugu muddada dheeraa Ruushka waxa lagu beddelay Raysal Wasaare Xigeenka Ruushka ahna nin dhaqaale yahan ah oo lagu magacaabo Andrei Belousov.

Wasiirka la beddelay waxa uu xilkiisii ugu horreeyay qabtey 1994-kii isaga oo loo magacaabey Wasiirka Xaaladaha Degdegga ah ee Ruushka. Xilliyadaas waxa la sheegay in uu waddanka ku soo wareegay oo uu wax badan ka qabtey masiibooyin dabiici ah oo ku habsadey Ruushka sida dhulgariirro iyo burburro diyaaradeed.

Markii uu Putin la wareegay talada dalkaasi Shoigu waxa uu noqday Barasaabka Moscow. Waxyar ka dib waxa loo magacaabey Wasiirka Difaaca jagadaas oo uu 12 sano hayey.

Sumcaddiisa waxa kor u sii qaadey markii Xukuumadda Moscow ay ku guuleysatey in ay la wareegto Jasiiradda Qirim/Kareemiya.

Faragelintii Putin ku sameeyay waddanka Siiriya si talada loogu hayo Bashaar Al Asad ayuu Shoigu qayb laxaad leh ka qaatey.

Ugu dambeyn toddobaadkan aynu ku jirno ayaa 68 jirkan laga qaadey xilkii uu hayey.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences