Maktabka Siyaasadda iyo Wilaayaatka oo go'aan ka gaaray dhul kuyaal gobolka Gedo.

Tuesday December 28, 2021 - 17:52:33
Liibaan Jeexoow
Kadib kormeer uu guddiga musaalaxada iyo cilaaqaadka guud ee Xarakada Al Shabaab uu ku sameeyay dhul masaafadiisu tahay 160Km oo kuyaal gobolka Gedo ayaa ugu dambeyntii lagasoo saaray go'aan.
Dhulkan oo isugu jira daaqsin iyo deegaan waxaa muddo sanada ah ku murunsanaa beelaha Cowlyahan iyo Talxa waxayna colaadda dhulkan ka dhalatay saameysay dadka kasoo jeeda beelaha walaalaha ah.

Xafiiska siyaasadda iyo wilaayaadka ayaa soo afjaray colaaddii dhulkan ka taagneed, go'aannada lagaaray waxaa kamid ah in wilaayada Islaamiga ah ay burburiso Waro biyoodyo lagu murunsanaa.

Waxaa lamamnuucay in tuulooyin cusub laga dhiso dhulka lana qoro Waro hor leh taas bedelkeedna wilaayada Islaamiga ah ayaa dhisi doonto wara biyoodyo ay ka faa'iidaysan doonaan dadka deegaanka, sidoo kale waxaa la mamnuucay dhirta jarista waxaa kale oo lafasaxay in deegaamaysi lagu sameyn karo tuulooyinka Faafaxdhuun, dhaamadheere iyo Daadshimbir.

Halkan ka dhageyso go'aanka Maktabka siyaasadda iyo wilaayaatka MP3

Related Items

Update cookies preferences