Doorashada Soomaaliya, dhib mise dheef?

Monday May 09, 2022 - 13:03:23
Liibaan Jeexoow
Sannadkii 1960-kii waxa Soomaaliya ka hana qaaday dawlad dimuquraaddi ah oo uu hoggaanka u hayey Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan-Cadde).

Dawladdii Aadan waxa beddeshay tii Cabdirashiid Cali Sharmaarke illaa laga soo gaadhey 1969-kii. Sagaalkaas sano waxa waddanka ka jirey dawlado isbeddelay oo ku socday hannaanka reer galbeedka ee Dimuquraaddiyada illaa uu taladii xukun millatari kula wareegay Janan Maxamed Siyaad Barre.Taariikhdaas ka dib waxa la galey burbur iyo jahawareer illaa haddaba lagu jiro, waxaana dhawr dawladood oo fashilmay lagu soo dhisay dalalka jaarka ah.

Markii la soo gaadhay 10 October, 2004 waxa Doofaarrey lagu soo doortey Cabdullaahi Yuusuf kaas oo shisheeyuhu Ciidan ku taageereen illaa uu Madaxtooyadii Soomaaliya qabsadey. Ka dib waxa xukunkii uga dambeeyay Shariif Sheekh Axmed oo isna shisheeye kale garabsadey laakiin aan waxba ku soo kordhin xaaladdii hore uga jirtey Soomaaliya, sidaas baanay ku socotey illaa Farmaajo yimid February 8, 2017.

Haddaba shan iyo tobanka bishan aynu ku jirno waxa dhici doonta doorashada madaxtinnimada Soomaaliya. Doorashadaas waxa ku tartami doona musharrixiin badan oo uu kamid yahay Aadan Cabdullihii lagu bilaabey waxa loogu yeedho dimuquraadiyadda wiilkiisii(Dr Abuukar)!.

Tartamayaasha xilkaas madaxweynenimo ee taangiga shisheeyaha lagu ilaalinayaa Soomaalida ma dhib buu ku hayaa mise dheef? Haddii uu dhib ku hayo maxaa markasta habkii aan dhibteenna xallin loogu noqnoqdaa? Haddii se uu dheef yahay maxay shisheeyuhu u joogaan Soomaaliya?.

Waxa mar la sheegay in baadheyaasha madaxtooyada Soomaaliya aykamid ahayd gabadh Yugaandhiis ahi, dabadeedwaxa meeshii taftiishka soo istaagey nin Soomaaliyeed oo garaaddo Janan ah ku lebbisan. Markii kalkiisii la soo gaadhey buu ku celceliyey "Iam a General, Iam a General” isaga oo uga gol lahaa in aan la baadhin. Gabadhii waxa ay ku tiri "If you’re a general we wouldn’t be there” oo ah haddii aad janan tahay halkanba maanu joogneen! Immika haddii habkaasi dheef yahay sidan miyuu xaalkeennu ahaan lahaa?.

Haddii uu walaalkaa xanuunsado oo qalliin u baahdo ma waxaad u dooni lahayd dhakhtar ku habboon mise adigaa middida u qaadan lahaa? Markaad walaalkaa qalato sow halbowle jari maysid? Haddii jacaylka aad waddankaaga u qabto aanad xikmad ku darin dalku ma kaa burburayaa mise wuu kuu barwaaqoobayaa? Qof Xabashi ahi haddii uu kuu sheego in Soomaalidu diin wadaagto isla markaana ummad walba lagu dhaqi karo wixii ay ka mideysan yihiin sidii Isyaas Afwerki hore u sheegay miyaa lagu diidayaa? Haddii se lagu diido se maxay soo kordhinaysaa Calmaaninimadii lixdanka sano hadba mar la soo tijaabinayey iyadoo kolba magac wadata?.

Xikmad baa jirta ah; haddii qofku iska dhigo qofkale, qofkii uu iska dhigayay ma gaadho isagiina wuu qiimo beelaa. Ugu dambayn maalinta loo dareero doorashada dadban musharrixii soo baxaa ma noqon karaa kii waddanka dhibta ka saari lahaa?

Wabillaahi Tawfiiq

W/Q: Wadaadyare Xaashi.


Related Items

Update cookies preferences