Muxuu salka ku hayay socdaalkii Taliyaha AFRICOM uu ku tagay magaalada Hargeysa.

Saturday May 14, 2022 - 07:51:02
Liibaan Jeexoow
Taliyaha Ciidamada AFRICOM ee qaaradda Afrika u qaabilsan Maraykanka General Stephen Townsend ayaa Hargeysa gaadhey, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha maamulka isku magacaabay 'Somaliland' Muuse Biixi.
Taliyaha waxa wehelinayay koox ciidan ah iyo danjire Larry Andre oo hore danjire uga soo noqday Jabbuuti iyo Murutaaniya.

War saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada maamulka ‘Somaliland’ ayaa lagu sheegay in kooxdan danjiruhu hoggaaminayaa ay kala hadleen Somaliland dhanka nabadgelyada. Stephen Townsend ayaa noqonaya sarkaalkii ugu sarreeyay Mareykanka ee booqda waqooyiga Soomaaliya illaa 1991-kii.

Intii ay kooxdani joogeen waxaa la sheegay in ay booqdeen dekedda Berbera iyo gegida diyaaradaha ee isla magaalada Berbera kuwaas oo dhawaan dib u habayn iyo ballaadhin lagu sameeyay.

 Waxa laga yaabaa in booqashadani ay salka ku hayso arrimo dhaqaale iyo mid istaraatijiyadeed, ka dib markii reer Yurub iyo Mareykan ay soo wajahdey xaaladda dhaqaale ee uu sababey dagaalka Ruushku ku qaaday dalka Yukreyn.

Dalka Soomaaliya ayaa ah mid istiraatiiji ah wuxuuna kulaala Baabul-mendebka, halkaas oo ay maraan maraakiibta ugu badan ee ganacsiyeed ee caalamku, taas oo waddan waliba u xusul duuban yahay sidii uu boos uga heli lahaa uu ka ilaashado danihiisa amni iyo dhaqaale. Jabbuuti oo ah waddan yar waxa saldhigyo ku leh waddamo kamid ah reer galbeedka, Shiinaha iyo Mareykanka halka Turkigu uu ku talo jirey in uu saldhig ka samaysto.

Mareykanka oo si toos ah ugu leh duullaanka lagusoo qaaday dalka Soomaaliya ayaa doonaya in uu ballaariyo galaangalka uu ku leeyahay dalkan, haddii uu Berbera ka furto saldhig ciidan tani ayaa ka dhigan in Mareykanku uu joogitaan muuqdo ku leeyahay badda cas horay ayuu saldhig weyn uga sameystay Jabuuti.





Related Items

Update cookies preferences