Isbitaalka Guud ee degmada Ceelbuur oo dib loo furay [Sawirro].

Tuesday May 31, 2022 - 19:09:13
Liibaan Jeexoow
Kadib ku dhowaad 10 sano oo uu xirnaa Isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur ayaa ugu dambeyn dib loo furay isbitaalka oo adeegyo caafimaad uqaban doono bulshada ku dhaqan Bariga gobolka Galguduud.
Munaasabad ballaran oo ay kasoo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo bahda caafimaadka ayaa xarigga looga jaray Isbitaalka guud ee Ceelbuur.

Isbitaalka oo burbur xooggan soo gaaray ayaa dib loo dhisay kadibna waa la qalabeeyay, dhaqaatiir aqoon leh ayaa Isbitaalka ka howlgeli doono waxaana loo dhammeystiray qalabkii caafimaad ee aas-aasiga ahaa.

Agaasimaha Isbitaalka oo munaasabadda ka hadlay ayaa ballan qaaday in si hufan ay ugu adeegi doonaan bulshada ayna mas'uuliyad iska saari doonaan arrimaha caafimaadka

Isbitaalka guud ee Ceelbuur waxaa hirgeliyay jaaliyadaha dibadda iyo dadka deegaanka oo iskaashaday waxayna xil iska saareen wax uqabashada dadkooda.

Hoos ka daawo sawirrada

Related Items

Update cookies preferences