Imaarada Islaamiga ah oo Mashaariic waaweyn ka hirgelisay dalka Afghanistan.

Wednesday June 08, 2022 - 09:22:48
Liibaan Jeexoow
Imaarada islaamiga Afghanistan ayaa sare uqaadday adeegyada ay ku hormarinayso kaabayaasha bulshada si ay baraare ugu noolaadaan dadka raciyadeeda ah ee ay maamusho.

kadib sagaal bilood oo xiriir ah markii ay dalka lawareegtay ayay imaarada islaamiga ay ku dhaqaaqday isbedel weyn oo dhanka maamulka ah, waxaa ladhisay waddooyin burbursanaa 20kii sano ee lasoo dhaafay, waxaa dib udhis lagu sameeyay xarumaha danta guud iyadoo lacago mushaar ah loo qoray kumanaan kamid ah dadka fuqarada ah ee aan awoodin in ay shaqeystaan.

sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda waxbarashada waxaa lashaqalaysiiyay ku dhowaad 8 kun oo katirsanaa bahda tacliinta kuwaas oo shaqo la'aan ahaa muddo sanada ah.

si loo yareeyo dadka dibadda uga baxayo wadanka ayay imaaradu dhidibada utaagtay mashruuc shaqa abuur ah, dadka leh aqoonta sare ayaa helaya shaqooyin halka dadka aan aqoonta laheyn balse xirfadaha kale leh laga shaqaalaysiinayo mashaariicda dhismaha waddooyinka iyo qurxinta bilicda magaalooyinka.

Wasaaradda tacliinta sare ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay shaqaalaysiisay illaa 7200 oo ruux kuwaas oo shaqada lagusiiyay hadba heerkooda aqoontooda.

shaqaalaha wasaaradda ayaa imtixaanaad ugalay shaqada wuxuuna mashruucan ka hirgalay illaa 20 wilaayo oo kamid ah 34-ta gobol ee uu dalka afghanistan ka koobanyahay.

Wakaaladda wararka Bakhtaar News ayaa sheegtay in kumanaan kun oo ruux ee lashaqaalaysiiyay 2083 qof oo kamid ah ay yihiin dumar kuwaas oo ka shaqeynaya jamaacadaha iyo madaarista nidaamiga ah iyo kuwa diiniga ah, tani waxay meesha ka saaraysaa dacaayaadkii ay warbaahinta reergalbeedka ka faafinaysay imaarada islaamiga oo aheyd in aysan wax muhiimad ah siin dumarka.

wasaaradda waxbarashada waxay caddaysay in imaarada islaamiga ay dumarka siisay xaqqa ay shareecada islaamka ku leeyihiin balse ay gaaladu doonayaan in ay dumarka muslimaadka ah qaawiyaan ayna ka fasahaadiyaan diinkooda.

bishii lasoo dhaafay waxaa sidaan oo kale loo shaqaalaysiiyay illaa 1913 macallin oo wax ka dhigaya fasallada shanaad iyo lixaad ee wilaayada Islaamiga Kaabuul waana marxaladdii koowaad ee macallimiin heer dowladeed ah oo lasoo saaray.

"muhiimadeenu waa in aan shaqaalaysiinaa dadka aqoonta leh ee awooda in ay ufaa'iideeyaan bulshada, qof walba oo wasaaradda ushaqeynaya wuxuu gelayaa Imtixaan ee majirto kala xulasho gaar ah" ayuu yiri wakiilka wasaaradda tarbiyada iyo tacliinta.

Dhinaca kale nidaamka warshadaynta casriga ah ayaa ka bilaawday dalka afghanistan, ammaanka iyo kala dambeynta dalka camimtay ayaa sabab unoqday in uu ganacsigu bulaalo, ganacsato reer afghanistan ah iyo kuwa carab ah ayaa bilaabay in mashaariic ganacsi oo waaweyn ay dalkan ka hirgeliyaan.

Magaalada Qandahaar oo ah caasimadda 2aad ee afghanistan waxaa markii ugu horraysay laga hirgeliyay xaafadda warshadaha halkaas oo lagu rakibay warshado sare uqaadaya ganacsiga dalka.

Warshadda suufka ayaa dhismaheeda lakaamilay durbana waxay bilaawday wax soo saar, agaasimaha warshadda ayaa sheegay in markiiba ay dalalka turkiga iyo iiraan udhoofiyeen inkabadan 2000 tan oo suuf ah waxaana kasoo xarooday lacago malaayiin doolar ah.

Boqolaal qof afqaaniyiin ah ayaa shaqa ka helay warshadahan dalka ka hana qaaday sida uu sheegay waali ku xigeenka wilaayada qandahaaar.

Qidaaca dhismah ayaa isna ah mid bulaalaya, imaarada islaamiga ah ayaa ku dhawaaqday tobanaan mashruuc oo lagu dhisayo waddooyin tareenadu isticmaalaan iyo kuwa laami ah si loo fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo badeecadaha ay isdhaafsanayaan afqaaniyiinta iyo dadyowga dariska la ah.

mashaariicda dhismaha waxaa heshiis lagula galay shirkado maxali ah oo arrimaha dhismaha ka shaqeeya kuwaas oo iyana shaqaalaysiinaya kumanaan qof shaqaale ah.

R/wasaaraha xukuumadda afghanistan ayaa bishii laso dhaafay sheegay in ay si adag ulad agaallamayaan shaqa la'aanta ama baagamuundada wadanka ku baahday 21-kii sano ee gummeysiga Mareykanka.

Related Items

Update cookies preferences