Abuu Muscab oo sheegtay in 117 askari ku dileen weeraro ay cagta ku mariyeen 3 saldhig oo ku yaalla duleedka Buulaburte.

Wednesday October 12, 2022 - 09:39:43
MeMO Staff
Ciidamo fara badan oo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa saaka salaaddii subax kadib weerar xoogan ku qaaday xeryo ciidanka dowladda iyo kuwa macawiisleyda ku leeyihiin duleedka degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.
Weeraradan oo ahaa saddex weerar ayaa marqura ka wada bilowday laba xero oo ku yaalla Yasooman iyo mid kale oo ku taalla halka loo yaqaano Beera-Yabaal, waxaana dagaal xoogan kadib dagaalayahanada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin u suuragashay inay gacanta ku dhigaan dhamaan xeryahaasi.

Taliska ciidanka ee Xarakada ayaa war uu soo saaray ku sheegay in dagaal xoogan kadib ciidankooda ay u suuragashay inay la wareegaan xeryahaas, ayna cagta mariyaan ciidamadii ku sugnaa, iyagoo sheegay inay xeryahaas ku dileen ugu yaraan 117 askari, kuna soo furteen hub iyo gaadiid kala duwan.

"Allaah fadligii ciidamada Mujaahidiinta waxay saaka weeraro ku qaadeen saddex saldhig oo ku kala yaalla degaanada Yasooman iyo Beera-Yabaal oo dhaca duleedka degmada Buulaburte. howlgaladaas waxay Mujaahidiintu Allaah fadligii ku dileen ugu yaraan 117 askari oo isugu jira ciidanka kooxda ridada gaar ahaan kuwa uu Turkigu tabaray iyo iyo maleeshiyada macawiisleyda loo yaqaano. waxaan sidoo kale dagaalka ku soo ganiimeysanay hub, gaadiid iyo saanad ciidan" ayuu yiri afhayeenka ciidanka Al-Shabaab, Sheekh Cabdil Casiis Abuu Muscab

isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Mujaahidiintu waxay dagaalkaas ku soo ganiimeysteen 9 gaari oo kuwa ciidamada ah, kuwaas oo hadda ku jira gacanta Mujaahidiinta. waxaan kaloo gubnay 6 gaari intii uu dagaalku socday. Deegaanadiina waxaa hada gacanta ku haya ciidanka Mujaahidiinta"

Dagaallada maanta ka dhacay deegaanada Yasooman iyo Beera-Yabaal ayaa daba socda hawgallo lixaad leh oo ay ciidamada Al-Shabaab ka billaabeen bariga Hiiraan, kuwaas oo dib ay ugu qabsadeen magaalooyin ay ka mid yihiin Moqokori, Tardo, Nuur-Fanax, Cali Ganey iyo Booco.

Related Items

Update cookies preferences