Cabdirashiid Janan iyo Barre Hiiraale oo gaaray deegaano katirsan gobolka Gedo.

Saturday December 17, 2022 - 13:53:04
Liibaan Jeexoow
Xiisado siyasadeed oo iskasoo horjeeda ayaa markale ka aloosmay deegaann katirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.
Dagaal oogayaal hore iyo saraakiil katirsan DF-ka ayaa gaaray degmooyin dhaca xuduud beenaadka ay Itoobiya iyo Kenya la wadaagaan dalka Soomaaliya.

Cabdirashiid Janan,Barre Hiiraale iyo Cabdullaahi Fartaag ayaa tagay Beledxaawo iyo Dooloow halkaas oo ay ka wadaan abaabul ka dhan ah maamulka Jubbaland ee uu madaxda ka yahay Axmed Madoobe.

Dhinaca kale Mahad Salaad oo ah taliyaha Nabad sugidda DF-ka ayaa Jeneral Jamaal Xasan Sarey umagacaabay taliyaha cusub ee sirdoonka gobolka Gedo.

Jamaal Sareey oo ah shakhsi taariikh madoow leh islamarkaana weligiis dabadhilif u ahaa dowladda Xabashida Itoobiya isagoo boqolaal qof soomaali ah ugacan geliyay Xabashida.


Related Items

Update cookies preferences