Maamulka 'Jubbaland' oo dhaleeceeyay Socdaalka Barre Hiiraale iyo Janan ay ku joogaan Gedo.

Monday December 19, 2022 - 12:28:06
Liibaan Jeexoow
Markii ugu horraysay maamulka isku magacaabay Jubbaland ayaa ka hadlay fatqaladaha amni iyo kuwa siyaasadeed ee ka aloosan gobolka Gedo.
Maxamuud Sayid Aadab oo ah ku xigeenka Axmed Madoobe ayaa shir jaraa'id ku sheegay in waxa ka socda gobolka Gedo ay halis ku yihiin jiritaanka wax uu ugu yeeray dowladnimada Soomaaliya.

Wuxuu dhaliilay siyaasiyiin iyo xildhibaanno maalmo ka hor tagay degmooyinka Mandheera iyo Dooloow wuxuuna ugu baaqay dowladda Federaalka in ay soo farageliso xaaladda gobolka ka jirto.

"Nidaamkii hore ee Farmaajo uu madaxda ka ahaa ayaa si xun umaareeyay xaaladda gobolka Gedo welina dhibaatadii waa jirtaa haddii aan wax laga qaban waxay arrintan wiiqaysaa dowladnimada" ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Hadalka kasoo yeeray maamulka fadhigiisu yahay Kismaayo ayaa kusoo aadaya xilli Cabdirashiid Janan iyo Barre Hiiraale ay ku sugan Dooloow ayna halkaas ka wadaan abaabullo siyaasadeed oo ka dhan ah Axmed Madoobe.

Related Items

Update cookies preferences