Dhimashada ka dhalatay fatahaadaha Liibiya oo gaartay 6,500 oo ruux.

Wednesday September 13, 2023 - 12:25:10
Liibaan Jeexoow
Waxaa sare usii kacay khasaaraha ka dhashay duufaantii laayaanka aheyd ee maalin ku dhufatay deegaannada dhaca bariga dalka Liibiya.
Guddiga gurmadka degdegga ah ayaa warbixin cusub ku sheegay in dad gaaraya 6,500 ruux ay ku dhinteen duufaanta halka la la'yahay kumanaan kale.

Dhimashada ugu badan waxay ka dhacday magaalada Darna halkaas oo ay ka xasishay musiibo weyn, muuqaallo lagasoo qaaday magaalada ayaa muujinaya burbur xooggan oo gaaray dhismayaasha muhiimka ah.

Meydad ayaa meel walba daadsan waxaa magaalada ka jirta uurkutaallo anfariir leh waxaa sidaas yiri madaxa hay'adda bisha cas ee dalka Liibiya.

Waxaa gaabis ku jira gurmadkii loo fidinayay dadka dhibanayaasha ah sababa laxiriira waddooyinka muhiimka ah oo ay gooyeen daadadka ka dhashay roobabkii mahiigaanka ahaa.

Duufaanta loogu magac daray Daanyaal ayaa sababtay in ay isku darsamaan biyaha badda iyo kuwii ka dhashay roobabka kadibna waxaa dhacay fatahaado dad badan laayay.

Related Items

Update cookies preferences