Madaxweynaha Faransiiska oo ku dhawaaqay in uu ciidamadiisa kala baxayo dalka Niger.

Monday September 25, 2023 - 10:36:21
Liibaan Jeexoow
Boqolaal qof ayaa ku dabaal degaya magaalada Niyaami
Boqolaal qof ayaa ku dabaal degaya magaalada Niyaami
War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Faransiiska ayaa lagu sheegay in lasoo gaba gabeynayo joogitaankii ciidan iyo midkii diblumaasiyadeed ee uu kulahaa dalka Niger.
Emmanuel Macron oo ah madaxweynaha Farasiiska ayaa magaalada Paris ka sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu ciidamadiisa iyo safiirkiisi kalasoo bixi doono magaalada Niyaami ee caasimadda dalka Niger.

Dowladda Faransiiska waxay iclaamisay in ay jarayso dhammaan cilaaqaadkii kala dhaxeeyay dowladda Niger kadib markii uu inqilaanka melleteri wadanka ka dhacay islamarkaana lariday dowladdii uu madaxda ka ahaay Max'med Baazuum.

Durbadiiba iskusoo baxyo waaweyn oo loogu dabaal degayo go'aanka Faransiiska ayaa ka billaawday magaalooyinka dalka Niger, dadka iskusoo baxay ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsanyihiin bixitaanka ciidanka Faransiiska.

1500 oo Askari Faransiis ah ayaa saldhig weyn ku leh caasimadda dalka Niger, gummeystaha Faransiiska ayaa inkabadan 70 sano xoog ku guranayay kheyraadka muslimiinta galbeedka Afrika.

Related Items

Update cookies preferences