Erdogan oo ku sugan Azerbaijan iyo Mareykanka iyo Ruushka oo wufuud u direy Armenia.

Monday September 25, 2023 - 21:44:44
Liibaan Jeexoow
Wararka laga helayo gobolka Karabaakh ee ay isku hayeen Aserbayjan iyo Armiiniya ayaa isa soo taraya. Dedaallo diblomaasiyadeed ayey martigaliyeen Caasimadaha labadan dal ee jaarka ahi.
Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa xoguhu sheegayaan in uu ku sugan yahay dalka Azerbaijanka dib markii dalkaasi uu soo ceshadey qayb dhulkiisa kamid ah oo ka maqnayd.

Erdogan waxa uu Azerbaijan ugu hambalyeeyay guusha dagaal ee ay ka soo hooyeen hawlgalkii gobolka Karabakh lagaga sifeeyay argagixisada waa sida uu hadalka u dhigey eh.

Erdogan oo intaa raaciyey in aan hawlgalkaas wax khasaare ahi ka soo gaarin Azerbaijan, dhanka kale waxa uu ugu baaqey Armenia in ay ka qayb qaataan dedaallada nabadda loogu abuurayo gobolka.

Madaxweynaha Aserbayjan ayaa isna tibaaxey in waddankiisu guul ka soo hooyey gobolka Karabaakh/Qurrabaaq isla markaana ay sugeen xuduuddooda.

Madaxweyne Ilhaam Caliif waxa uu intaa ku darey in gargaarka kasta oo ay u baahan yihiin muwaadiniinta gobolkaas ay fidin doonaan isla markaana sii raaciyey in shacbigiisu aanu illoobi doonin taageeradii Turkigu u fidiyey dalkiisa.

Dhanka dalka Armenia waxa gaarey wafdi Mareykan ah oo uu kamid yahay wasiir xigeenka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi. Wefdigu waxa ay sheegeen in ay farriin ka sidaan madaxweyne Jeo Biden taas oo ah in Mareykanka ay ka go’an tahay taageerada Armenia. Xubnahan ka socda America ayaa shaaciyey in ay booqan doonan dadka qoxoontiga ah ee ka soo barakacey gobolka.

Waxa sida oo kale wararku sheegayaan in Wasiirka Gudaha ee Ruushku booqasho ku tagey Armenia isagoo la kulmay masuuliyiinta dhiggiisa ah ee dalkaas. Ruushku waxa ay caddeeyeen in aaney suurtogal ahayn in la qaado ciidamada nabad ilaalinta ah ee jooga gobolka taas oo masuulyiinta USA iyo Armenia ka soo horjeedaan.

Kremlin waxa uu caddeeyay in marnaba aaney suurtogal ahayn in dowlado aan mandaqada saameyn ku lahayn soo dhexgalaan Azebaijan iyo Armenia kuwaas oo loola jeedo Mareykanka.

Related Items

Update cookies preferences