Markii ugu horreysy wasiir Yuhuudi ah oo ku sugan Sucuudiga.

Thursday September 28, 2023 - 17:10:59
Liibaan Jeexoow
Markii ugu horreysay taariikhda dalka Sucuudigu wuxu marti galinayaa wasiir ka tirsan maamulka Yuhuudda ee xoogga ku haysta dhulka muslimiinta ee Bariga Dhexe.
Wasiirka Dalxiiska ee Sahaayinada Haim Katz ayaa tagey Sucuudiga maalinnimadaa Salaasada. Haim waxa uu ka qayb galey shir ‘Qaramada Midoobey’ ku qabatey Riyaad.

"Waxay ii soo dhaweeyeen si fiican, waxaanu cago-dhiganney galabnimadii, dad badan baa ku sugnaa goobta soo dhaweynta, waxay ahayd soo dhaweyn heersare ah”. Ayuu Katz ka sheegay Channel 12 oo kamid ah warbaahinta Yuhuudda.

Katz ayay ilo wareedyadu sheegayaan in uu ku sugnaan doono Sucuudiga laba cisho. Inkastoo masuulkan Sahyuuniga ahi sheegay in uu dardar gelinayo dalxiiska iyo iskaashiga caalamiga ah ee Israa’iil leedahay haddana waxa shacabka muslimiinta iyo kuwa Sucuudiguba aaney ku qanacsanayn in wax xiriir ah lala sameeyo Israa’iil inta ay xoogga ku haysato dhulalka muslimiinta.

Caadiyeynta xiriirka taliska Sucuudiga oo ka arrimiya dhulka Xijaaz iyo Yuhuudda waxa qayb laxaad leh ka qaatey Mareykanka. RW Yuhuudda Netanyahu waxa uu Jimcihii xarunta QM ka sheegay in ay Sucuudiga la galeen heshiis taariikhi ah. Dhanka kale dhaxal sugaha Taliska Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa wareysi uu siiyay Fox News ku caddeeyay in marba marka ka sii dambeysa ay Sucuudiga iyo Israel isu soo dhawaanayaan.

Related Items

Update cookies preferences