Dowladda UK oo ku dhawaaqday in ay ciidamo udirayso dalka Yukreyn.

Sunday October 01, 2023 - 09:21:34
Liibaan Jeexoow
Grant Shapps oo ah wasiirka difaaca dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay in ay ciidamo udirayaan wadanka Yukreyn si ay uga qeyb qaataan dagaallada lagula jiro dowladda Ruushka.
Wasaaradda difaaca UK waxay sheegtay in ay boqolaal askar iyo saraakiil ah udirayso dalka Yukreyn si ay tababarro usiiyaan ciidamada Yukreyniyiinta.

"Saldhigyo ayaan ka sameynsanaynaa gudaha dalka Yukreyn boqolaal askarina waan udiraynaa dalkaas suurtagal ma ahan in aan tababarrada ku bixinno oo kaliya dalalka ururka NATO waa in aan dardar gelinayaa tayaynta ciidamada Yukreyn" ayuu yiri Grant Shapps oo ah wasiirka difaaca Britain.

Dowladaha reergalbeedka ayaa taageero ciidan iyo mid maaliyadeed siinaya xukuumadda Kiyeef oo dagaal ba'an kula jirta dowladda Ruushka.

Related Items

Update cookies preferences