Al Burhaan oo sheegay in ay la dagaallamayaan murtaziqo iyo dagaallo goos goos ah oo ka socda Sudan.

Tuesday October 03, 2023 - 11:54:59
Liibaan Jeexoow
Madaxa Golaha Sare ee Ciidamada Suudaan C/fataax AlBurhaan ayaa sheegay in ay dagaal kula jiraan kooxo calooshood u shaqeystayaal ah oo taageeraya xoogagga RSF.
Burhaan oo hadalkan ka jeediyey mar uu booqasho ku marayey Wilaayada Waqooyi ee dalkaasi Sudan halkaas oo uu kula kulmey guutada 19aad ee Ciidamada Lugta ayaa carrabka ku adkeeyay in dagaalkoodu yahay mid gobonnimo isla markaana haystaan kalsoonida dhammaan shacabka Sudan.Dhanka kale waxa uu hoggaamiyaha ciidanku tibaaxey in ay jiraan siyaasiyiin majaro habaabiya shacabka, beenna sheega iyaga oo taageero u ah kooxaha fallaagada ah.

Waxa uu Burhaan intaa ku darey in ‘fallaagadu’ ay banneysteen dhiigga shacabka iyaga oo adeegsanaya hadallo xaqiiqada ka fog.

Dhinaca kale waxa weli dagaallo goos goos ahi ka socdaan deegaanno ka tirsan caasimadda Khartuum.

Ciidamada Dowladda iyo RSF oo dagaallo ku dhexmareen goobahaas ayaa ciidanka dowladdu adeegsadey diyaarado waxaana la sheegayaa in lagu beegsadey saldhigyo ay lahaayeen Xoogagga RSF.

Weerar ay qaadeen Xoogagga RSF oo ka dhacey Waqooyiga gobolka Kaardafaan waxa ilo wareedyo sheegayaan in ay ku waxyeelloobeen tobannaan qof oo shacab ah intii iska hor imaadku socday.

Dagaalka Sudan oo bilaabmey bartamihii bishii April isla markaana dowlado kala duwani isku dayeen in ay xalliyaan xaaladda colaadeed ee dalkaas ayaan wali lagu guuleysan.

Related Items

Update cookies preferences