Dhimashada Yuhuudda oo gaadhey 1200 halka Falastiiniyiinta ay ka shahiideen 1000 qof.

Wednesday October 11, 2023 - 18:59:09
Liibaan Jeexoow
Waxa sii badanaya khasaaraha ka dhashey weerarkii dagaalyahannada Xamaas ay ku qaadeen gumeysiga Yuhuudda maalintii Sabtidii oo ku beegnayd 7 October, 2023.
Dagaalkan oo maraya maalintiisii shanaad waxa la soo werinayaa in Yuhuudda ku halaagsantay hawlgalka Duufaanta Al Aqsa ay tiradoodu gaadhey 1200 oo qof halka dadka ka shahiidey muslimiinta reer Falastiin ay tiradoodu tahay 1055 qof.

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeymo aan kala go’ lahayn ka geysanaya marinka Qasa ayaa sababey dhaawaca shacabku in ay gaaraan ilaa 5kun oo qof sida warbaahintu ku soo warramayso.

Dhanka kale qaar kamida xildhibaannada Yuhuudda ayaa Natenyahu ugu baaqey in uu adeegsado hubka Nuclear ah ee Israel haysato taas oo tilmaamaysa inta uu leegyahay hawlgalka Duufaanta Aqsa xanuunka ay gaarsiisay cadowga.

Saraakiisha ugu sarreeya taliska Yuhuudda waxa ay sheegeen in ay go’doomiyeen deegaanka Qasa halka Mareykanku uu maraakiib dagaal ku taageerayo Israel. Dhanka dowladaha u taliya shucuubta muslimiinta oo ay ugu horrayso dowladda Turkiga ayaa ku koobsatey keliya hadallo warbaahinta laga sheego.

Waxa iyaduna xusid mudan in ururka ATMIS ee gardarrada ku jooga Soomaaliya ay soo saareen bayaan taageeraya Yuhuudda iyaga oo ka dhawaajiyey in Yuhuuddu xaq u leedahay ‘difaaca naftooda’.

Hawlgalka ‘Nabad Ilaalinta’ ee ATMIS iyo huwantooda waxa taageero la garab taagan diyaaradaha Turkiga iyo Mareykanka taas oo tilmaameysa xaqiiqada dhabta ah ee Erdugan.

Xarakada M. Alshabaab ayaa iyaguna dhawaan soo saarey tahniyad iyo bogaadin ay u direen ururka Xamaas iyo guud ahaan shacabka Falastiin ka dib weerarkii Duufaanta Aqsa oo weli socda.

Related Items

Update cookies preferences