Yahuudda oo maalintii 8aad duqeymo culus ku haya magaalada Qaza wararkii ugu dambeeeyay ee Falasdiin.

Saturday October 14, 2023 - 11:49:02
Liibaan Jeexoow
Magaalada Qaza iyo hareeraheeda waxaa maalintii 8aad oo xiriir ah ka socda iska hor'imaadyo culus oo udhaxeeya ciidamada Yahuudda Sahyuuniyadda iyo xoogaga muqaawamada Falasdiin.
Wararka ka imaanaya Falasdiin ayaa shegeaya in diyaaradaha dagaalka Yahuudda ay duqeymo aan kala joogsi laheyn ku hayaan xaafadaha magaalada Qaza oo hoy u ah inkabadan 10 milyan oo qof.

Dhinaca kale xoogaga muqaawamada ayaa madaafiic culus ku garaacaya magaalooyin ay kamid yihiin Casqalaan iyo Tal'abiib.

Mas'uul uhadlay Xarakada Xamaas ayaa sheegay in aysan marnaba isku dhiibi doonin Yahudda oo ay iska caabinayaan dhammaan weerarada lagu hayo, muqaawamadu waxay dhegaha ka furaysteen cadaadisyada ugu imaanaya cadowga.

Related Items

Update cookies preferences