Yahuudda oo weli sii wadda Xasuuqa ay ka geysanayso magaalada Qaza.

Wednesday October 18, 2023 - 12:21:44
Liibaan Jeexoow
Ciidamada Yahuudda Sahyuuniyadda ayaa weli sii wada xasuuqa ay ka geysanayaan magaalada Qaza ee dhulalka Falasdiin.
Wararka ka imaanata Falasdiin ayaa sheegaya in saaka aroortii hore ay diyaaradaha cadowgu duqeymo aan kala joogsi laheyn ku billaabeen xaafadda Khaan Yoonis.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka waxaa duqeynta cusub ku shahiiday 12 qof oo ay kamid yihiin kawaadirta caafimaadka.

Duqeyntan waxay timid iyadoo aan weli la aasin inkanadan 500 oo shacab ah oo ku shahiidday weerarkii bahalnimo ee xalay ka dhacay ishitaalka Ahliga ah ee Qaza.

Related Items

Update cookies preferences