Mareykanka oo codka diidmada qayaxan ku difaacay xasuuqa ay ciidamada Yahuuddu ka geysanayaan magaalada Qaza.

Thursday October 19, 2023 - 10:08:23
Liibaan Jeexoow
Waxa loogu yeero Golaha ammaanka Q.Midoobay ayaa ku fashilmay in uu war kasoo saaro xasuuqa bahalnimo ee ciidamada Yahuudda ay ka geysanayaan magaalada Qaza.
Fadhi ay xubnaha golaha ammaanka ku yeesheen magaalada New York ayaa miiska lasoo saaray in la dhaleeceeyo xasuuqii Isbitaalka Al-ahli ee magaalada Qaza kadibna Yahuudda lagu amro in ay iclaamiso heshiis xabad joojin ah.

Dowladda Mareykanka ayaa durbadiiba codka diidmada qayaxan ee Fiitoowga u adeegsatay in ladhaleeceeyo xasuuqa Yahuudda islamarkaana heshiis xabad joojin ah la saxiixo.

Dowladda Ruushka oo xubin ka ah 'Golaha ammaanka' ayaa Mareykanka ku eedaysay in uu diidmada qayaxan u adeegsaday joojinta xasuuqa magaalada Qaza.

Dowladda daalimadda Mareykanka aya taageero siyaasadeed,mid Melleeteri iyo mid dhaqaale siinaysa Yahuudda sahyuuniyadda ee gummaadka ku haysa shacabka Falasdiiniyiinta.

Related Items

Update cookies preferences