Carruurta Yuhuuddu ku xasuuqeen Qaza oo kor u dhaafey 1700.

Saturday October 21, 2023 - 17:23:48
Liibaan Jeexoow
Waxa maalintii 15naad galey duqeynta diyaarada Yuhuuddu ka wadaan xaafadaha la deggan yahay ee marinka Qaza.
Duqeymahan ayaa ka tagey shuhado isu geyn kor u dhaafey 4kun oo qof oo 1756 ay yihiin carruur halka 976 ay yihiin haween. Dhanka kale dhaawaca shacabka reer Qaza ayaa noqdey in ka badan 13kun oo qof.

Diyaaradaha Yuhuudda oo weli duqeymo ka geysanaya marinku waxa 24-kii saacadood ee u dambeeyay dileen 352 ruux.

Dhanka kale waxa la sheegayaa in gawaari xamuul ah oo gargaar sidaa Qaza ka soo galeen dhanka marinka Rafax ee Masar. Hay’ado gargaar oo Falastiiniyiin ah ayaa iyaguna sheegay in aaney 20 gaari buuxinayn baahida daran ee ka jirta marinka.


Related Items

Update cookies preferences