Madaxweynaha Brazil: Qaza waxa ka socda xasuuq wadareed.

Thursday October 26, 2023 - 18:15:53
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha dalka Brazil Lola Da Silva ayaa ku tilmaamey waxa ka socda marinka Qaza xasuuq wadareed ama gumaad shacab.
Warmurtiyeed uu madaxweynuhu soo saarey shaley Arbacadii waxa uu caddeeyay in arrinkani aanu la xiriirin yaa saxan yaa se qaldan ama yaa markii hore bilaabey gacan ka hadalka ama yaa ku dambeeyay waxay se xaqiiqadu tahay in aan waxa socdaa dagaal ahayn waa gumaad wadareed.

Da Silva oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri gumaadkan waxa lagu diley carruur ku dhow ilaa laba kun kuwaas oo aan wax cilaaqo ah la lahayn colaadda.

Waxa kale oo Da Silva oo mar ku matali jirey dalkiisa ‘Golaha Ammaanku’ uu tibaaxey in weerarkii ay qaadeen garabka dagaalka ee Xarakada Xamaas 7 0ctober aanu Yuhuudda u bannayneyn in ay dilaan malaayiin bilaa dembi ah.

Gebagebadii waxa Da Silva ka dhawaajiyey sida ay u fiican tahay in Israel ku koobsato dhulka ‘Qaramada Midoobey’ u oggol yihiin halka Falastiiniyiintuna xaq u leeyihiin in ay maamushaan dhulkooda.

Related Items

Update cookies preferences