Waa maxay 'Lacnadda Sideetanaad' ay Yuhuuddu ka cabsi qabaan?

Sunday October 29, 2023 - 17:03:24
Liibaan Jeexoow
Maalinnimadii shaley ee sabtidii kelimad uu jeediyey Afhayeenka Garabka Dagaal ee Xamaas Abu Cubeyda ayaa ku soo darey hadalkiisa in la gaarey burburkii iyo Lacnaddii Sideetanaad ee Yuhuudda.
"Way soo dhammaatey xilligii caalamka laga iibin jirey ciidanka aan laga adkaan karin, waxay iska ahayd sheeko xariir” ayuu yiri Abu Cubeyda.

Dhanka kale isaga oo hadalkiisa sii wata Afhayeenku waxa uu sheegay in uu bilaabmey xilligii burburka Yuhuudda iyo caqdigii sideedaad ee lacnaddu."haku noqdaan Tawraaddoodii iyo Talmuudkoodii si ay uga akhristaan” ayuu sii raaciyey.

Haddaba maxay tahay Lacnadda Sideetan guurada ahi?
لعنة العقد الثامن

Sannadkii hore falanqeyn uu sameeyay madaxweyne hore oo Yuhuudi ah laguna magacaabo Iyhuud Baaraak waxa uu ka dhawaajiyey cabsida uu ka qabo in wakhtigii burburka Israel soo dhawaadey. Waa siddeetan guurada xilligii la aas aasey dowladda yuhuudda.

Baaraak waxa uu xusey in aaney waligeed dhicin dowlad Yuhuuddu leedahay oo dhaafta 80sano laba jeer mooyee; labada jeer ayuu ku sheegay xilligii Boqor Daa’uud iyo xilligii ninkii la odhan Xashmunaayim, waa sida uu hadalka u dhigey eh.

Waxa aanu intaa ku darey in xataa labadaa xillina aaney ka badbaadin burbur ee kala furfurankoodu uu bilaambey uun sannadkii siddeetanaad.

Iyhuud Baaraak oo maqaalkan ku qorey mid kamida saxaafadda Yuhuudda waxa uu tibaaxey in Israel ay hadda soo gaadhey tajribadii saddexaad isla markaana ay mareyso caqdigii 8aad.

Related Items

Update cookies preferences