Marin Biyoodka Panama oo qarka usaaran in uu ximo waa maxay sababtu?

Monday June 03, 2024 - 14:54:36
Liibaan Jeexoow
Isbedelka cimiilada ee ka jira caalamka ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay intabadan marin biyoodyada caalamiga ah kuwaas oo halbowlayaal u ah ganacsiga adduunka.
Wararka ka imaanaya qaaradda America ayaa sheegay in uu biya yareeyay gacan biyoodka Panama oo kamid ah marin biyoodyada ugu muhiimsan caalamka.

Mas'uuliyiin katirsan dowladda Panama ayaa sheegay in jiilaalka iyo roob yarida ka jirta wadanka ay sababtay in uu biya yareeyo Kanaalka arrinkaas oo sababi doono in maraakiibtu ay isticmaali waayaan marinkan muhiimka ah.

Gacanka Panama ayaa isku xira badaha Atlantic iyo Pacific  waxaan marinkan isticmaala 20% maraakiibta caalamka halka 40% maraakiibta Mareykanka kuwa ganacsiga iyo kuwa melleteriga ay gacankan isticmaalaan.

Taariikhda waa markii ugu horraysay oo gacanku uu biya yareeyo arrinkan oo loo sababaynayo jafaafka iyo kuleylka caalamka kusii badanayay sedaxdii sano ee lasoo dhaafay.

Related Items

Update cookies preferences