Xoogagga RSF oo saldhigyo Millateri kala wareegay Ciidamada Dowladda Sudan.

Wednesday November 01, 2023 - 12:18:29
Liibaan Jeexoow
Kooxda RSF ee dagaalka kula jirta Ciidanka Sudan ayaa maanta ku dhawaaqey in ay la wareegeen Taliskii 21aad ee ciidanka lugta Sudan kaas oo ku yaalley deegaanka Zelingie ee xarunta gobolka Darfuur.
Laba muuqaal oo lagu faafiyey baraha bulshada ayaa waxa ka hore ka soo muuqanayeyJeneraal lagu magacaabo Cali Yacquub kaas oo xaqiijiyey in ay si rasmi ah ula wareegeen Taliska Qaybta 21aad ee ciidamada lugta Sudan isla markaana ay qabteen 50 sarkaal oo uu kamid yahay taliyihii saldhiggu.

Muuqaalka labaad waxa isna lagu sheegay in dhammaan agabkii millateri ee xerada yaallay ay la wareegeen xooggaga RSF.

Hawlgalka lagu qabsadey xeradan ku taalla gobolka Darfur ayaa sida la sheegay laga weerarey dhowr jiho Isniintii. Hawlgalkan ka hor waxa kooxda RSF gacanta kudhigeen saldhiggii qaybta 16aadee magaalada Nayala ee koonfurta gobolla Darfur.

Dhanka Ciidamada Sudan ee ku sugan mandiqadda Darfuur ayaa ka cabanaya saanad la’aan taas oo ay keentay ka dib markii kooxda Gurmadka Degdegga ah ku soo rogtey xisaar gobolkaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in 560 askari oo ka tirsanaa qaybta 20aad ee Al Daein (الضعين) oo ku taalla bariga Darfur ay ku biireen RSF.



Related Items

Update cookies preferences