Dagaalka Qaza oo galay maalintii 33aad iyo duqeymo weli socda.

Wednesday November 08, 2023 - 12:15:05
Liibaan Jeexoow
Magaalada Qaza duqeymo laayaan ah ayaa ku socda maalintii 33aad oo xiriir ah waxaana lasoo sheegayaa shuhadada boqolaal qof oo hor leh.
Wararka ka imaanaya magaalada Qaza ayaa sheegaya in ciidamada Yahuudda ay duqeymo cirka iyo dhulka ah ku hayaan xaafadaha Almaqaazi,Zeytuun iyo Deyrul Balax.

Diyaaradaha dagaalka ee casriga ah, maraakiib dagaal iyo madaafiicda goobta ayaa lagu duqeynayaa goobaha danta guud ee magaalada Qaza sida cisbitaallada iyo iskuullada.

Saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in tirada dadka dhintay ay ku dhowyihin 11 kun oo ruux islamarkaana ay daawadu gabaabsi ka tahay isbitaallada.

Dhinaca kale xoogaga muqaawamada Falasdiin ayaa sheegay in 2 taangi ay ka gubeen ciidamada Yahuudda xiil ay ku sugnaayeen halka loo yaqaan Dawaara ee waqooyiga Qaza.

Katiibada Cizudiin Alqassaam oo adeegsanaysa garneellada Alyaasiin 105 ayaa ugaarsi xooggan ku haya ciidamada Yahuudda ee Qaza xoogga kusoo galay

Related Items

Update cookies preferences