Macron " Israa'iil waxaan kula talinayaa in ay joojiyaan duqeymaha Qaza".

Saturday November 11, 2023 - 10:54:35
Liibaan Jeexoow
Emanuel Macron oo ah madaxweynaha Faransiiska ayaa maamulka Yuhuudda u jeediyay joojinta falalka waxshinnimada ah ee ay u geysanayaan shacabka reer Qaza.
Wareysi uu siiyey warbaahinta BBC-da waxa uu Macron ka dhawaajiyey in ay Yuhuudda la dareemayaan xanuunka ay u geysteen wax uu ugu yeeray argagixiso waxa se uu hoosta ka xarriiqey in aaney jirin Israel wax u bannaynaya duqeynta haween iyo carruur.

"Waxa aanu Israel kula talinaynaa joojinta duqeymaha” ayuu yiri Macron.

Waxa kale oo uu tibaaxey in jawaabta Israel ee ku aaddan weerarkii Duufaanta Aqsa ay noqoto mid waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Mar wax laga weydiiyey waxa ‘Sharciga Caalamiga’ ahi ka qabo duqeymaha loo geysanayo dadka maatada ah waxa uu Macron sheegay in aanu ahayn qaaddi maxkameed balse uu ka warwarsan yahay uun keliya in arrintaasi mandaqadda ka abuuri karto colaad hor leh.

Hadalkan ayaa ka dambeeyay ka dib shir lagaga hadlayey xuquuqda aadamaha oo maalintii Khamiista ee ina dhaaftey ka dhacey Paris. Ugu dambayn waxa uu carrabka ku adkeeyay in aanu jirin xalka kale oo aan ka ahayn xabbad joojin si oodda looga rogo arrimaha gargaarka.

Duqeymaha bahalnimada ah ee Qaza ka socda waxa ku shahiidey in ka badan 11kun oo qof kuwaas oo 4506 kamid ahi carruur yihiin.

Related Items

Update cookies preferences