Yahuudi caan ah oo hoggaamiyaasha Carabta ku yiri "Noolaada Israa'iilna ha noolaato"!

Wednesday November 15, 2023 - 16:02:39
Idriis Ali
R/wasaaraha Yahuudda Bin Yamiin Netenyaahu oo hadlayay ayaa ugu baaqay hoggaamiyaasha Carabta in ay afka ka qabsadaan waxa ka socda Qazi si ay masaalixdooda u ilaashadaan wuxuuna uga digay in ay ku dheeraadaan dhaleecaynta xasuuqa ay ciidamadiisu geysanayaan.
Netenyaahu oo umuuqday in uu ihaanaysayo hoggaamiyaasha dabadhilifyada ah ee maamula caalamka islaamka ayuu warkiisu udhignaa in uu leeyahay "in aad nagu fiirsataan xasuuqa falasdiin ayay maslaxadiinu kujirtaa maadaama aad dabadhilifyo utihiin mareykanka iyo yurub oo dagaalka nagula jiro".

Hadalka Netenyaahu oo luqadda carabiga lagu tarjumay ayaa baraha bulshada lagu faafiyay waxaana si aad ah uga falceliyay kumanaan kun oo ruux.

Dhinaca kale saxafi Yahuud ah ayaa shirarka dowladaha Carabta ee ku saabsan dagaalka Qaza ku sifeeyay mid xoojinaya wax uu ugu yeeray howlgalka ka dhanka ah Xamaas.

Eddie Cohen oo ah Saxafi Yahuudi ah ayaa bartiisa Twitter ka sidaan ku qoray
"Carabeey, shirarkiinnu nama cabsigeliyaan, waayo, annaga ayaa ah kuwa idiin qora warmurtiyeedyada aad kasoo saartaan shirweynayaashiinaan liita".
Wariyahan Yahuudiga ah ayaa qor kale oo kooban islamarkaana daba socday shirkii Riyaad kusoo gaba gabeeyay "Noolaada Israa'iilna hanoolaato".

Related Items

Update cookies preferences