Dowladda Imaaraatka Carabta oo Calooshood ushaqeystayaal Caddaan ah ka dagaal gelinaysa Soomaaliya.

Saturday March 16, 2024 - 15:20:40
Liibaan Jeexoow
Mid kamida dowladaha gacanka carabta ee ka hoos shaqeysa xamlada saliibiga ah ee Mareykanka iyo xulufadiisu ay ku qaadeen caalamka Islaamka ayaa dadaal ugu jirta sidii ay calooshood ushaqeystayaal caalami ah uga dagaal gelin laheyd dalal ay Soomaaliya kamid tahay.
Dowladda dabadhilifka Imaaraatka Carabta ayaa la sheegay in ay waddo qorshe ay calooshood ushaqeystaal caddaan Faransiis ah ku geynayso dalalka Soomaaliya iyo Yemen halkaas oo ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah dadka muslimiinta ah.

Shabakadad Intelligence Online ayaa warbixin ay daabacday ku sheegtay in maamulayaasha Imaaraatka ay dadaal ugu jiraan sidii ay Jeneraallo howlgab Faransiis ah usoo kirayn lahaayeen kuwaas oo tababarro siin doono maleeshiyaad calooshood ushaqeystaal.

Warbixintu waxay sheegaysaa in calooshood ushaqeystayaal horay uga tirsanaa ciidanka Faransiiska ay tababar siin doonaan maleeshiyaad gaaraya 3000 illaa 4000 kuwaasi oo Imaaraatku uu ka dagaal gelinayo Yemen iyo Soomaaliya.

Dowladda Imaaraatka Carabta oo tartan dhaqaale iyo mid siyaasadeed uu kala dhaxeeyo Qadar iyo Turkiga ayaa ka caraysan heshiiskii ay dowladda Xasan Sheekh lagashay xukuumadda Ankara waxaana laga yaabaa in dhankeeda ay dardargeliso faragelinteeda Soomaaliya iyadoo ka faa'iidaysanaysa heshiis ay horay ula saxiixatay Villa Somalia.

Bishii lasoo dhaafay weerar ka dhacay magaalada Muqdisho ayay jihaadiyiinta Al Shabaab ku dileen 4 sarkaal oo dhammaantood ahaa kuwii gacanta ku hayay mashruuca isfidinta Imaaraatka ee dalalka Yemen iyo Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences