Xoogag Jihaadi ah oo weeraro dhiig badan ku daatay ka fuliyay Burkina Faso iyo Niger,

Wednesday November 15, 2023 - 16:22:22
Idriis Ali
Jihaadiyiinta Al Qaacidda ayaa sare uqaaday xaddiga howlgallada jihaadiga ah ee ay ka wadaan dalalka dhaca mandiqadda Saaxilka galbeedka Afrika.
Wararka ka imaanaya wadamada Maali,Burkina Faso iyo Niger ayaa sheegaya in jamaada Nusratul Islaam Walmuslimiin ay weeraro laayaan ah ku beegsadeen ciidamada dowladaha qeybta ka ah isbahaysiga G5.

Dagaalyahannada Jamaacada Nusratul Islaam Wal muslimiin waxay weerar dhabagal ah u dhigeen kolonyo ka tirsan ciidanka Burkiina Faaso, weerarkan ayaa ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka kala ah Koogooy iyo Saamga oo kawada tirsan gobolka Kagbiloogo ee dalka Burkiina Faaso.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarkan lagu dilay ugu yaraan 1 askari waxayna jihaadiyiintu soo furteen gaari dagaal, 9 mooto iyo agabyo kala duwan oo ciidan.

Dhanka kale dagaalayahannada JNIM waxay qarax la eegteen gaari dagaal oo ay leeyihiin ciidanka dowladda Niger, gaariga oo marayay mandiqadda Kanaari keeri ee gobolka Saay ayaa gabi ahaanba burburay waxaana ku dhintay dhammaan ciidankii gaariga saarnaa.

Afhayeen uhadlay booliska Niger ayaa xaqiijiyay weerarka lagu beegsaday ciidamada balse wuxuu diiday in uu bixiyo faah faahin intaas ka dheeraad ah

Related Items

Update cookies preferences