Farriin uu Sheekh Usaama u diray Mareykanka oo dib u qabsatey baraha bulshada.

Thursday November 16, 2023 - 15:16:16
Idriis Ali
Waxa baraha bulshada qabsadey qoraal uu qorey Alle shahaadadiisa haka aqbalee Sheekh Usaame Binlaadin. Qoraalkan oo ciwaankiisu ahaa "Farriin ku socota Mareykanka" ayuu sheekhu sii daayey sannadkii 2002.
Farriintan oo hadal hayn weyn dhalisey ayaa dhallinyaro badani ka dhawaajiyeen sida ay ugu raacsan yihiin Sheekh Usaame fikirkiisa ku aaddan Mareykanka.

Qaar kamid ah isticmaaleyaasha barta Tiktok waxa ay tibaaxeen sida ay layaabka ugu keentay farriinta sheekhu.

Waxa kale oo ay xuseen in ay wax iska beddeleen fikirkii hore ee ay ka haysteen Binladen. Dhallintan oo laga yaabo in badhkood aaney jirin ama waxyar ahaayeen markii sheekhu farriintan dirayey waxa ay tibaaxeen in sababtii loo weerarey xarumihii ganacsiga ee Mareykanku ay ahayd aargoosi ka yimid dhanka Usaama.

Sheekhu waxa uu caddeeyay in weerarku uu jawaab u ahaa faragelintii USA ee Bariga Dhexe iyo gumeysiga Yuhuuddu ku hayso dhulka Falastiiniyiinta. Haashtaagga "A letter to America” ayaa dad badani search-gareeyeen. Barta X oo markii hore loo yaqaanney Twitter muuqaallo la dhigey view-goodu gaarey malaayiin.

Muuqaallada wata haashtaagga "Farriin ku socota America” ayaa isu geyn dadka daawadey noqdeen 3.9milyan.

Warqaddan oo uu faafiyey asalkeeda joornaalka The Guardian markii uu qorey Sheekhu 2002 ayaa Arbacadii laga saarey website-kooda.

Dhanka kale qorayaal reergalbeed ah oo buugaagtoodu caan yihiin(best seller) sida Frederick Joseph ayaa arrintan ku tilmaamey Munaafaqnimo. Markii reergalbeedku ka cabsadeen in farriintu si fiican ugu faafto dunida ayaa ay tireen.

Dhanka kale weerrarada bahalnimada ah ee Yuhuudda ayaa xaqiiqada indhaha ka feyday ka dib markii ay laayeen kumannaan caruur iyo dumar isugu jira, guud ahaanna waxa dumey dacaayaadkii Reergalbeedku ku harowsan jireen dadka caammada ah ee ‘Xuquuqal Insaanka’.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences