Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo markab ay Yahuuddu leedahay ka qafaashay xeebaha dalka Yemen.

Sunday November 19, 2023 - 19:18:31
Idriis Ali
Wararka ka imaanaya xeebaha dalka Yemen ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay qafaasheen markab uu leeyahay maamulka Yahuudda.
Yaxye Sariic oo ah afhayeenka melleteriga kooxda Ansaarullaah ee taabacsan Xuuthiyiinta ayaa warbaahinta usheegay in ciidankooda gaarka ah ay qabteen markab lagu magacaabo GALAXY LEADER kaasi oo ay hadda ku hayaan xeebaha badda cas ee dalka Yemen.

Markabkan oo uu leeyahay ganacsade Yahuudi ah ayaa kasoo shiraacday wadanka Turkiga wuxuuna kusii jeeday dalka Hindiya.

Afhayeen uhadlay wasaaradda arrimaha dibadda 'Israaiil' ayaa xaqiijiyay dhacdadan wuxuuna ku tilmaamay fal aragagaxiso sida uu hadalka udhigay.

Kooxda Xuuthiyiinta oo ah wakiillada Iiraan ee dalka Yemen ayaa howlgalkan ku sheegay in ay ugu hiillinayaan shacabka magaalada Qaza ee xasuuqa kala kulmaya Yahuudda.

Related Items

Update cookies preferences