Ismaaciil Haniya: Waxay u dhowdahay in xabbad joojin lagu dhawaaqo.

Tuesday November 21, 2023 - 18:28:32
Idriis Ali
Hoggaanka Xafiiska Siyaasadda Dibedda ee Xamaas Ismaaciil Haniya ayaa sheegay in ay u dhowdahay in Xamaas iyo Israel galaan heshiis xabbad joojin ah.
Bayaan kaaliyeyaasha Ismaaciil u direen Reuters waxa uu Haniya ku yiri "Xarakada Xamaas waxa ay go’aankeeda ku aaddan xabbad joojinta u dirtey walaalaha ku sugan Qadar ee dhexdhexaadinta ah, waxa ay u dhowdahay in xabbad joojin la isku raaco”.

Dhanka kale Raysal Wasaaraha dalka Qadar Maxmed Ibnu Cabdirraxmaan Aala Thaani uu dhawaajiyey shalay Axaddii in qarka loo saaran yahay heshiis isweydaarsi (maxaabiis) ka dhex dhaca Xamaas iyo Yahuudda.

Sidoo kale Isniintii shaley waxa ay soo bandhigtey warbaahinta Yuhuudda taabacsani in Xukuumadda Netanyahu ay kaarka cagaarka ah siisey/aqbashey heshiis isla markaana laga jawaab sugayo Xamaas.
Rawci Shaaruun oo ah falanqeeye arrimaha millateriga waxa uu ka yiri Telefishanka Kaan ee Yuhuuddu leedahay "Waxa aan maraynaa saacado adag, waxa aanu qarka u saarannahay in aanu heshiis qaadanno”.

Wuxuu intaas raaciyey in Xamaas ay Israel u soo bandhigtey xal siyaasadeed taas oo Yahuuddu u dhowdahay in ay aqbasho heshiiska iyo shuruudaha Xarakadaba isaga oona tibaaxey in imminka wax waliba ku xiran yihiin xarakada.

Heshiiskan ayaa ku soo beegmaya xilli Yuhuuddu shacab badan ku gummaadey Qaza balse sidii taariikhdu waligeed ahayd taasi waxba kama beddelin doonto halgankii ay shacabka reer falasdiin ku raadsanayeen xoriyadooda

Related Items

Update cookies preferences