Xamaas: Israel waxa ay ku socotaa jebinta heshiiskii xabbad joojinta.

Sunday November 26, 2023 - 10:12:32
Idriis Ali
Daahir Nuunow oo ah la taliyaha hoggaanka sare ee ururka Xamaas Ismaaciil Haniya ayaa sheegay in Israel ay ku kaceyso falal burinaya heshiiskii xabbad joojinta ahaa ee ay wada galeen Xamaas iyo Yuhuuddu.
War murtiyeed ay heshay warbaahinta Al Jazeera maanta oo Sabti ah ayaa waxa uu Mudane Nuunow ku tibaaxey in ciidammada Yuhuuddu ay xabbado ka rideen tiroba laba goobood oo kamid ah marinka Qaza. Rasaasta Yuhuudda ayaa keentay in ay shahiidaan laba qof oo Falastiiniyiin ah.

Jimcihii shaley ayaa ay bilaabantey xabbad joojin muddo afar cisho ah socon doonta iyo isweydaarsi dhanka maxaabiista ah. Heshiiska ayaa dhanka kale xusaya in gawaarida gargaarka loo oggolaado marinka si ay ugu gurmadaan dadka tabaaleysan.

Lalataliye Daahir Nuunow waxa uu intaa raaciyey in Israel aaney ka go’neyn ilaalinta tafaasiisha heshiiska taas oo ay kamid yihiin in Marinka loo oggolaado gawaarida gargaarka. "In aan la oggolaan arrimaha gargaarka waxa ay khatar ku tahay fulitaanka heshiiska” ayuu raaciyey masuulku. Ugu dambeyn waxa uu masuulkani ugu baaqey ‘Qaramada Midoobey’ in cudurdaar kasta oo lala yimaaddo aan la aqbali doonin.

Xamaas ayaa shaley oodda ka qaaddey tiro maxaabiis ah oo ay kamid yihii 10 u dhashay Thailand iyo hal Filibbiini ah. Heshiiska ayaa dhigaya in Falastiiniyiintu xorriyaddooda u celiyaan 50 maxbuus oo Yuhuud ah halka dhanka kale Yuhuuddu sii deyn doonto 150 Falastiiniyiin ah.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences