Shirkadda Shixnadaha MAERSK oo joojisay Konteenarradii ay geyn jirtay dekadaha Jabuuti iyo Berbera.

Sunday January 21, 2024 - 18:00:03
Idriis Ali
Xilli ay sii xoogeysanayaan loollanada udhaxeeya taageerayaasha Iiraan ee dalka Yemen iyo dowladaha reergalbeedka ayna cirka iskusii shareerayaan xiisadaha ka taagan badda Cas iyo marin biyoodka Baabul Mandab ay shirkadaha waaweyn ee shixnaha ka shaqeeya ku dhawaaqeen in ay joojinayaan isticmaalka dekadaha bariga Afrika.
Shirkadda weyn ee maraakiibta caalamiga ah ee Maersk ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay isticmaalka dekedaha Berbera iyo Djibouti, sababo la xidhiidha xaaladda ammaan ee Badda-cas iyo Gacanka Cadmeed oo aan xasilloonayn ka dib dhaqdhaqaaqyada Xuutiyiinta Yemen.

Tani oo saameyn weyn ku yeelanaysa Itoobiya oo ah dowladda ugu weyn ee dekedahaasi adeegsata, warsaxaafadeed kasoo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay in ay joojinayso Konteennaradii ganacsiga ee ay labadan dekadood usoo rari jirtay.

Kooxaha Xuuthiyiinta ayaa sheegay in weerarada ay geystaan ay ugu gargaarayaan shacabka magaalada Qaza ee xasuuqa ba'an kala kulmaya ciidamada Yahuudda oo taageero ka helaya Mareykanka

Related Items

Update cookies preferences