Dowladda Mareykanka oo hakisay Shidaalkii iyo Raashinkii ay siin jirtay maleeshiyaadka Danab.

Thursday April 25, 2024 - 13:56:01
Liibaan Jeexoow
Kadib fadeexado xatooyo ah oo hareeyay hoggaanka maleeshiyaadka dowladda Federaalka ee shisheeyaha la shaqeeya ayaa sababay in Mareykanku uu joojiyo taageeradii loojistikada ee uu siin jiray maleeshiyaadkaas fuliya howlgallada Ashahaadda ladirirnimo.
Saraakiil katirsan taliska AFRICOM oo diiday in magacyadooda loo adeegsado warbaahinta ayaa sheegay in ay hakiyeen qarashkii ay ku bixin jireen maleeshiyaadka Bangaraafta sababa laxiriira raashinkii iyo sahaydii ay bixiyeen oo ay saraakiisha dowladdu musuq maasuqeen.
Suuqyada waaweyn ee Muqdisho ayaa lagu arkay cunto iyo shidaal uu Mareykanku siiyay maleeshiyaadka loo yaqaan Danab.

Markii AFRICOM ay hakisay zaadkii ay siin jirtay maleeshiyaadka Bangaraafta ayay magaalada Nairobi safar degdeg ah ku aadeen Ibraahim Sheekh Muxiyidiin oo ah taliyaha ciidanka melleteriga dowladda Xasan Sheekh iyo Cabdifataax Qaasim oo ah wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga.

Labadan mas'uul ayaa Nairobi kula kulmay safiirka Mareykanka ee Kenya iyo saraakiil American ah waxayna ka codsadeen in dib loosoo celiyo shidaalkii iyo Raashinkii uu Mareykanku siin jiray maleeshiyaadka dowladda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiisha American-ka ah ay ka cagajiideen in ay aqbalaan codsiga taliyaha ciidanka dowladda ee ah in dib loo bilaabo bixinta zaadka ciidamada waxayna ku xireen shardi ah in marka hore laqaado tallaabooyin lagu baarayo musuq maasuqa lanasoo xiro saraakiisha musuqa sameeyay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in safaaradda Mareykanka ee Nairobi ay ku hanjabtay qaadidda tallaabooyin dheeraad ah haddii aysan dowladda Xasan Sheekh soo xirxirin saraakiisha falalka xatooyo sameeyay.

DF-ka ayaa taariikh soo jireen ah u leh musuq maasuqa iyo falalka xatooyada waxayna arrimahaan xoogeystaan marka uu Xasan Gurguurte hoggaanka uqabto Villa Somalia

Related Items

Update cookies preferences