Farmaajo oo ka hadley 'Dastuurka' Soomaaliya loo ansixinayo.

Thursday March 14, 2024 - 09:01:44
Liibaan Jeexoow
Madaxweynihii hore ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaley ka hadley arrimo ku saabsan dhammaystirka Dastuurka Soomaaliya ay yeelanayso kaas oo ay waddo Xukuumadda Gurguurte.
Farmaajo ayaa dastuurka ay waddo Xukuumadda Federaalku ku tilmaamey dastuur cusub oo aan ahayn kii hore ee qabyada ahaa. Isaga oo sheegay in hadal jeedintiisan ay ahayd in uu ka sheego Golaha Baarlamaanka balse uu ka gaabsadey maadaama oo habraaca si aan xalaal ahayn lagu meelmariyey.

 Waxa kale oo uu ku tibaaxey in marka dastuur cusub la samaynayo ay tahay in loo maro hab ka duwan habka immika federaalku wax u wado.
"Dastuurku marka uu cusub yahay waxa loo maraa jidad ka gedisan sidan hadda, waxa loo diraa khuburo in ay ka qaybgalaan hawshaan. In umadda Soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan iyo ururrada bulshada iyo dadka stake holders-kaa lagala tashado oo cidwalba taladooda la weydiiyo iyo waxay ku darsan karaan” ayuu yiri Farmaajo.

Khudbaddiisa oo inta badan la xiriirtey dastuurka waxa uu kaga warramey in dastuurka la soo bilaabey xilligii Carta ka dibna xilligii Imbigaati dabadeedna uu sidaa u soo socday. Khilaafka cusub ee ka dhex bilaabmey Xukuumadda iyo mucaaridkeeda ayaa salka ku haya ka dib markii Xasan Sheekh ka dhawaajiyey in loo baahan yahay in laga guuro habkii hore ee baarlamaaniga ahaa loona guuro hab madaxtooyo isla markaana ka kooban madaxweyne iyo ku xigeen iyo laba xisbi siyaasadeed.

Maamulka Puntland ayuu sheegay in aanay sinaba ugu qanacsanayn ansixinta dastuurkan cusub isla markaana maamulka Somaliland ayuu sheegay in aan waxba laga weydiin taas oo sii fogeyn karta rejadii laga lahaa midnimada waddanka.

"Haddaan lagala tashan dawlad goboleedyo oo aan ururrada bulshada lagala tashan, sidee loo keeni karaa tastuur” ayuu sii raaciyey
Farmaajo ayaa ugu dambayn sheegay in dalku uu ku jiro gumeysi(Chapter 7), haddii markaa laysu qabsoomi waayo ay dhici karto in Beesha Caalamku garbaduub inoo qabato haddii dan la innaga leeyahay, haddii kalena qof walbaa uu tuuladiisii tagi doono sidaana lagu waayi doono qarannimada Soomaaliya.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences