Barnaamijka Kaalmee Kuwan oo raashin gaarsiiyey 200 oo qoys oo danyar ah.

Saturday March 16, 2024 - 12:25:04
Liibaan Jeexoow
Ololaha samafalka ee Kaalmee Kuwan oo uu masuul ka yahay Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa deeq raashin ah gaarsiiyey 200 oo qoys. Deeqdan ayaa sida uu sheegay guddoomiyaha barnaamijka Kaalmee Kuwan waxa soo bixiyey dad muxsiniin ah oo ku kala nool daafaha dunida.
Cabdimaalik iyo kooxdiisa ayaa sannad kasta bishan oo kale qaada olole samafal oo lagu quudinayo dadka baahan ee masaakiinta ah. Maanta oo ay bisha barakeysan ee Ramadaan tahay lix waxa kaalmeyntani ka dhacdey Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco.

Raashinka oo isugu jirey Bariis, Bur, Saliid iyo Timir waxa ku baxay lacag ku dhow 12kun oo doolar sida uu sheegay Samafale Coldoon. Dhanka kale waxa samafaluhu tilmaamey in ay jiraan dad aan baahnayn oo iyagu marar badan ka aftahansan dadkii masaakiinta ahaa oo doonaya in ay raashinkan qaataan taas oo barnaamijka marar badan culeys ku keenta gadaalna laga ogaado beentooda.

"Hal dhibaato ayaa jirta, maaddaama oo aan barnaamijkan khibrad u leenahay, waxa jira dad aan run sheegayn oo u bartey in ay tagaan goobaha haayaduhu wax ku bixiyaan, annagu warbaahin baanu nahay hay’ad ma nihin. Dadkaasi waxay qariyaan dadkii baahnaa, iyagaa ka soo horreeya. Annagu waxaan ku dedaalnay inaan beegsanno dadka masaakiinta ah laakiin waxa qarinaya oo ka aftahansan dad aanu ogaanno mararka qaarkood in ay been sheegayaan. Dadkaa waxaanu leennahay Ilaahay ka baqa” ayuu yiri Samafale Coldoon.

Ugu dambeyn waxa uu dadka muxsiniinta ah ugu baaqey in ay taageeraan ololahan si loo gaarsiiyo deegaanno kale oo aan Burco ahayn.

Related Items

Update cookies preferences